Sheekh Aadan-Siiro Muxuu Ka Yidhi Qaadhaan-Ururinta Xukuumaddu Bilowday & Guddiga Maamulaysa?

0
652

Hargeysa (Geeska)-  Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Qaadhaan-ururinta Xukuumadda Somaliland bilowday inay u ururiso Dadka reer Somaliland ee Abaartu ka qaadday Xoolahoodii.

Sheekhu wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aanka uu Madaxweynuhu ku qaatay in Xuskii 18-ka May ee Sannadkan loo beddelo Qaadhaan-ururin loo sameeyo Dadka Abaaruhu dhibaateeyeen, isla-markaana Lacagta la ururiyo loogu iibiyo Xoolo iyo Waxyaabo oo ay kaga soo kabtaan Dhibaatadii Abaartu gaadhsiisay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Markaynu doonayno inaynu daweyno Arrimaha ay ka mid yihiin Dadkeennii Hantidoodii ka baxday ee Bannaanka yaalla (Abaarta awgeed), qaabka aynu u daweynaynaa ma mid ay Curinayaan baa Koox la garanayo waxay tahay mise waa mid aynu uga soo dheegayno Sunnaha Rasuulka (CSW)..” ?.

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Aad baanu ugu faraxsanahay in loo gurmado Dadkeena, waana Waajib Sharci ah, ee maaha Sunne, markaa aad baanu u taageersanahay Go’aankii Madaxweynaha ee taakulaynta Dadka Abaareysan, waxaanu ahaa Go’aan lagama maarmaan ah oo Wakhtigiisii ku habboonaa. Laakiin waxaanu Xukuumadda u sheegaynaa, Dadka Calaamadsan, ee Hantida Ummadda ku calaamadsan, ee waxaa Maanta la raadinayo Iyagoo keliya ay haystaan ama ay meel dhigteen, Waar kuwaa Guddiga haku darina, Waayo? taasina waxay keenaysaa in Kalsoonidu lunto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu u sheegaynaa Xukuumadda iyo Dadka Jecel in la daryeelo Dadkeena Jilicsan, marnaba la aqbali kari maayo Dadka Shaabbadaysan, ee Hantida Ummadda ku shaabbadeysan ee Wax badan laga ogyahay waar Guddiga ka daaya, Waayo? taasi waxay keenaysaa inaan Qaadhaan-ururintu sii soconin, waxay keenaysaa in Xitaa kuwii Qaadhaanka ku baaqay (Ballan-qaaday) in aanay sideeda u wada bixinin. Guddiga waxa ku jira Dad badan oo Wanaagsan oo aynu Nafaheenna u bixin lahayn, laakiin waxaanu ka hadlaynaa kuwa aynu garanayno, iyaguna is-garanaya. Dadku waxay u baahan yihiin Gurmad, waynuna ka qayb-qaadanaynaa, laakiin kuwaa waxba loo dhiibi maayo, haddii loo dhiibana Kalsooniduna waxay lumaysaa, Fashilna wuu dhacayaa.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Xukuumadda u soo jeediyey inay iyagu iska bilaabaan Qaadhaan Ururinta oo ay wax ku daraan Lacagta laga ururinayo Dadweynaha reer Somaliland, “Ta labaad waxa weeyaan, Waar idinku iska bilaaba (Qaadhaanka) oo wixii Ummaddu lahayd ee aad barakayseen bal marka hore boqolkiiba toban ku soo shuba (ku dara Qaadhaanka). Waayo? Saxaabadii oo uu hoggaaminayo Cumar Binu Khaddaab ayaa abaari dhacday, Go’aankii u horeeyay isagaa iska bilaabay, waxaanu Dumarkiisii ku yidhi intaynu Abaarta ka baxayno Masaajidka ayaan seexayaa, ILAAHAYNA waxaan kula ballamay in aanaan Gabadh Arag, inta Abaartu baxayso ma arki karo Cunto booratiin ah, sida Caano, Hilib iyo Subag, waxaanu Go’aankaa u sheegay Qoyska Reer Cumar oo dhan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa Xukuumadda waxaanu leenahay Bal horta Laanguruusallada 70-ka Kun ee Dollar ah iskugu keena Garoonka Stadium-ka, idinkana waxaanu idin saaraynaa Fitis miidhan (Gaadiidka loo yaqaanno Tukhaanka), markaas ayaanu garanaynaa in Qaadhaan Ururintu idinka idinka bilaabmayso oo ay Dhab idinka tahay, markaas ayaynu Maatida iyo kuwa Tamaandhada iibiya ka ururinaynaa (Qaadhaanka Abaarta), laakiin inta ay tahay kuwa Bakhtiyaya Lacagta ka soo ururiya, iyagana aynu ognahay Salladahooda iyo qaabka ay u nool yihiin lama Aqbali karo.”

Sheekhu wuxuu ku taliyey in Dad aamin ah loo dhiibo Lacagta Qaadhaanka ah ee Dadka laga ururinayo, “Lacagta la ururinayo haddii la ilaaliyo, nidaam loo sameeyo, Dadka aynu ku kalsoonahay loo dhiibo, Dadka aynu la hadlaynaana iska daayaan (Wax badan baa lagu qaban karayaa).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waanu dhiiri-gelinaynaa (Qaadhaan ururinta), wixii la innagu xukumo ee awooddeena ahna waynu bixinaynaa.”