Sheekada Sida Uu Ku Baxay Magaca Nicotine Oo Ah Maadadda Suntan Ah Ee Ku Jirta Sigaarka

Published on Jul 03 2018 // Googooska Geeska

 

Washington (Geeska)- ‘Nicotine’ waa dareere dufanaysan oo ah midab laawe ama huruud sun ah. Waa maadadda firfircoonida abuurta ee aasaaska u ah samayska caleenta tubaakada. In yar oo laga isticmaalaa waxa ay keentaa dareen firfircooni ah, laakiin marka ay jidhka ku badato waxa ay joojisaa shaqada unugyada neerfeyaasha is-wada iyo muruqyada qolfoofka. Nocitine waxyaabaha kale ee loo isticmaalana waxaa ka mid ah la dagaallanka xasharaadka. Maadaddan ayaa ah sababta ugu weyn ee qofka ku abuurta shucuurta qabatinka buuriga.

Warbixin aynu ka soo xigannay shabakadda Internet ka ee taleefishanka Alcarabiya ayaa sheegaysa, in geedka buuriga oo taariikh aad u fog ay isticmaali jiriin dadkii asalka u lahaa Qaaradda Ameerika uu bilowgiisii soo shaac baxay xilliyadii ay sahamiyeyaashii taariikhda galay, ku gudo jireen safarradii ay ku heleen dalal badan, sababna u noqday nidaamka dhuleed (Juqraafi) ee hadda ay khariiradda dunidu tahay.

Sahamiyihii Talyaani ee Christopher Columbus oo taariikhda ugu diiwaangashan in uu yahay ninkii helay Qaaradda Ameerika, ayaa markii uu qaaraddan yimi waxa uu arkay dadkii asalka ahaa ee dhulkan deggenaa oo caado u leh in caleenta buuriga inta ay duubaan, kaddibna sida sigaarka afka hore dab ka qabadsiinaya, dhinaca kalana ka nuugaya. Waxa ay aaminsanaayeen in caleentan qiijinteedu ay ka yaraynayso gaajada, madax xanuunkana ka daweynayso. Columbus oo arrintani xiise gelisay ayaa markii uu ka tegeyey Maraykanka sii qaatay caleen badan oo buuri ah, meelihii uu sii barayna waxaa ka mid ahaa dalalkii uu sii maray ee Isbayn iyo Burtuqaal.

Waqti lagu qiyaasay sannadkii 1559 ki, ayaa boqorkii Faransiiska ee François II waxa uu Burtuqaal u diray Jean Nico too nonayey safiirka Faransiiska, sida oo kalana uu rabay in uu ka shaqeeyo fududaynta iyo iskudubaridka aroos boqortooyo oo ay labada dawladood ku xididayeen. Jean Nicot intii uu joogay Faransiiska, ayaa nin ay saaxiib ahaayeen waxa uu u soo diray dhambaal uu ugaga sheekaynayo geedkan aanu noociise hore u arag ee buuriga, isaga oo ku andacoonaya in uu u fiican yahay caafimaadka. Safiirkani markii waxa uu Faransiiska kula soo noqdo iniinyaha geedka buuriga, waxa aanu ku beertay beerta gurigiisa.

Waqtigaas geedka Tubaakada waxaa dalka Burtuqaal looga isticmaali jiray dawo ahaan. Waxa aana lagu dawayn jiray xanuunno kala duwan, gaar ahaan noocyo kansarka ka mid ah. sannadkii 1560 kii ayaa Jean Nicot waxa uu buuri uu budo ka dhigay hadyad ahaan ugu diray boqoraddii dhaxaltooyada Faransiiska lahayd ee Catherine de Medici. Waa uu safiirku boqoradda ku ogaa madax xanuun aad u daran. Safiirku markii uu tubaakada soo diray, waxa kale oo uu boqoradda u soo sheegay sida ay u isticmaalayso oo ahayd in ay budadaas buuriga ah inta ay sanka saarto dib u nuugto. Dhaqankaas ah in sanka laga qaato buuriga ayaana si dhaqso ah ugu faafay Faransiiska.

Sannadkii 1753 kii oo isticmaalka buurigu aad dunida ugu faafay ayaa saynisyahankii weynaa ee dhirta Carl Linius oo u dashay dalka Sweden waxa uu jinsiga geedka tubaakada u bixiyey Nicotiana isaga oo ugu magacdaraya safiirka faafintiisa ka qayb qaatay.

Sannadkii 1828 kiina, Caalimkii Jarmalka ahaa ee Christian Wilhelm Buselt iyo jaalkiisii Karl Ludwig Reimann, waxa ay ku guulaysteen in ay geedkan tubaakada ka soo dhex saaraan maadadda sababta u ah in qofku uu balwad ahaan u qabatimo. Maadaddaas oo ah ta khatarta keenaysa, isla markaana aynu soo sheegnay in sun ahaanna loo isticmaalo ayaa ay labadan caalim ugu magacdareen isla safiirkii qaybta ku lahaa faafinta geedkan. Halkaas ayaanu ka soo bilowday in maadadda Nocitine ee buuriga ku jirta loogu magacdaro ninkii geedka buuriga faafintiisa kaalinta weyn ku lahaa oo ahaa safiirkii Faransiiska ee Burtuqaal fadhiyey.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!