Sheekada Nin Gaadhigiisa Oo Uu Illaaway Halkii Uu Dhigtay Muddo 20 Sano Ah Kadib Helay

33
2889


Berlin (Geeska)- Nin u dhashay dalka Jarmalka oo deggen magaalada Frankfurt ee dalkaas ayaa sannadkii 1997 kii booliiska ku wargeliyey in gaadhigiisii la xaday, laakiin kadib 20 sano oo uu booliisku raadinayey baabuurkan la waayey, waxaa ugu dambayntii caddaatay in ninkan aan gaadhiga laga xadin, balse uu illaaway halkii uu dhegay, oo meel kale oo uu moodayey in uu dhigtay inta uu ka eegay, markii uu ka waayey uu booliiska ku wargeliyey in la xaday baabuurkii.
Baabuurkan ayaa laga helay geerash uu lahaan jiray dhisme kharaabad noqday oo aanay cidi isticmaalin, kaas oo dadkii lahaa ay damceen in ay dib u dumiyaan si ay u dhisaan, laakiin markii ay baabuurkan aanay garanayn ku dhex arkeen ay booliiska ku wargeliyeen si looga qaado.
Sheekadan xiisaha leh ee uu Wargeyska Geeska Afrika turjumay ayaa wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska iyo wargeyska kale ee Augsberger Allegemein oo ka soo baxa dalka Jarmalku waxa ay ku sheegeen in booliisku markii uu gaadhigan calaamadihiisa eegay uu aqoonsaday in uu yahay gaadhigii loo raadinayey ninkan oo imika da’diisu 76 sano jir tahay. Iyada oo waqtiga uu gaadhiga waayey laga joogo 20 sano. Nasiibdarro gaadhigan waxaa la helay isaga oo gabowga iyo dayaca helay awgeed aan shaqaynayn, rajo badan oo ka shaqaysiin ahna aan lahayn.
Sheekadan ayaa dad badan oo u dhashay dalka Jarmalka waxa ay xusuustooda ku soo celisay sheeko aad ugu eeg oo isla dalkan ka dhacday. Waxaa jiray nin kale oo isna sidan oo kale u garanwaayey goob uu gaadhigiisa dhigtay, booliiskana ku wargeliyey in uu waayey gaadhigiisa, laakiin laba sano kadib ayaa gaadhigaasna laga helay meel 4 kiiloomitir u jirta halka uu filayey in uu dhigtay ee uu ka raadinayey. Laakiin waxaa xiise leh in gaadhigan dambe ay ku jirtay lacag dhan 40 kun oo lacagta midowga Yurub ee Yuurada ah iyo weliba qalab u dhigma lacag dhan 50 kun oo Yuuro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here