“Sharcigu Isagaa Ka Sareeya Cid Kasta”

48
3721

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ku taliyay in sharciga la ilaaliyo, maadaama oo uu sharcigu ugu sareeyo dalka, marka laga reebo kitaabka quraanka ah.

Xildhibaan ibraahim Axmed Raygal oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in mag-dhaw laga qaado cida ay ku cadaato inay dalka keento Shidaalka xun, ee keenay inay Gawaadhi badani ay xumadaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Sharcigu isagaa ka sareeya Madax-dhaqameed iyo Madax siyaasiba,waxaan Kalaamka ALLE ahayn sharciga ayaa ka sareeya,cidna laga yeeli maayo ku xad gudubka sharciga,markaas Madax-dhaqameed Madax siyaasadeed iyo madax diineedba aynu wada ilaashano sharciga”.

Xildhibaan Ibraahim Raygal mar uu ka hadlaayey Shidaalka ayaa yidhi “Xukuumaddu wakhtigii ugu haboonaa ayey go’aan ka soo saartay arintan shidaalka,waxaan ku biirinayaa Xukuumadda in ciday ku cadaato shidaalka xun in laga qaado wixii dhib iyo khasaare ka dhashay Shidaalkan xun, oo walibana baadhitaan iyo xuuraan dheer la galo ilaa iyo haiku ka yimid shidaalkani”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here