Sharci Cusub: Gabadhu Haddii Ay Basaasto Talefanka Odaygeeda Waa Dembi Ay Hal Sano Oo Xabsi Ah Ku Mutaysanayso, Haddii Ninku Isaguna Basaaso Xaajiyadda..

0
1014

Khartuum (Geeska)- In gabadhu basaasto talefanka gacanta ee saygeeda ama ninka ay jeceshay ayaa lagu daray ficillada uu sharciga dalka Suudaan u aqoonsan yahay in ay yihiin dembi ciqaab lagu mutaysanayo.

Wax-ka-beddel dhowaan lagu sameeyey xeerka ciqaabta dembiyada madaniga ah ee dalka Suudaan ayaa lagu daray qodobkan oo ay xukuumaddu soo jeedintiisa lahayd, kadib markii ay dalkaas aad ugu soo bateen falalka ah in barkulannada bulshada ee internet ka lagu faafiyo warar been abuur ah, isla markaana ay soo noqnoqdeen falalka jabsiga ama iskudayga jabsiga baraha internet ka ay dadku ku leeyihiin, si loo helo xeer arrintan lagu xakameeyo.

Xeerkan cusub ayaa sida oo kale dhigaya in hal sano oo xabsi ah lagu ciqaabo dadka meel kaga dhaca siraha gaarka ah ee qofka. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in qodobkan ilaalinta sirta gaarka ah ee qofka ay ku jirto in ciqaabtan la mariyo xitaa gabadha isku dayda in ninkeeda oo aan ogeyn ay baadho ama daalacato waxa ku jira talefankiisa gaarka ah ama ninka isaga qudhiisu isku daya in uu basaaso talefanka xaaskiisa isaga oo aan ka fasax qaadan gabadha.

In qof loogu hanjabo in haddii aanu waxa laga rabo samayn laga aargoosan doono naftiisa, carruurta ama danihiisa kale iyo in loo cago jugleeyo ayaa iyagana 7 sano oo xabsi ah uu duldhigay xeerkan cusub oo sida oo kalana ciqaabo adag saaray dadka meel kaga dhac ku sameeya xuquuqda carruurta, kuwa argagaxa dhiirrigeliyey iyo dadka wararka beenta ah bulshada ku dhex faafiya.

Xukuumadda Suudaan oo ka hadashay xeer ciqaabkeedkan cusub ayaa sheegtay in la doonayo in lagu ilaaliyo amniga baraha internet ka ee ay dawladdu leedahay, maadaama oo ay dunida oo dhan ku soo badanayso khatarta budhcadda internet ka ee jabsanaysa kombiyuutarrada dawladaha iyo degellada internet ka ee xogaha xasaasiga ahi ku kaydsan yihiin. Dhinaca kalana warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Sky News ayaa lagu sheegay in dadka reer Suudaan ay aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyey sharcigan cusub oo ay qaar u arkaan in uu xakamaynayo beenta isla markaana adkaynayo amniga siraha qofka u gaarka ah, halka kuwo kalana ku doodayaan in uu noqon karo marmarsiinyo lagu cabudhiyo xorriyadaha rayiga iyo hadalka, ama dood ka keenayaan sababta sharcigan loogu soo daray arrinta qoyska dhexdiisa ah.