Shaqooyin Hoose Oo Sagaal Madaxweyne Oo Maraykan Ahi Soo Mareen Xilka Ka Hor (Qaybta 7aad)

0
496

sHargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Toddobaad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga waramayey sagaal madaxweyne oo Maraykanka soo maray, oo xilka ka hor soo maray shaqooyin qallafsan oo marka imika magacooda la xasuusto aanay rumaysashadoodu maskaxda ku soo degdegeyn.

7. Jimmy Carter: Beeral-fale lawska beera:

Jimmy Carter madaxweynihii 39aad ee dalka Maraykanku yaraantiisii waxa uu waalidkii kala shaqayn jiray falista beer uu lawsku ka baxo oo ku taallay gobolka Georgia ee dalka Maraykanka. Markii ay da’diisu 10 jir gaadhay Carter waxa uu qaadi jiray dalagga beertaas ka soo baxa, waxa aanu geyn jiray saylad ku taalla magaalada si uu ugu soo iibiyo.

Markii uu dhalinyaro noqday waxa uu ka tegey gobolka Georgia waxa aanu ku biiray Akademiyadda ciidamada badda ee dalka Maraykanka. Dhowr sano markii uu ka tirsanaa ciidamadan, ayaa uu aabihii dhintay, kaidb Carter qoyskiisa ayaa uu dib ugu raray beertii oo uu marka hore ka soo raray.

Abaar ba’an oo dalka Maraykanka ka dhacday ayaa sannadkii 1954kii baabi’isay beertii Carter qoyskiisu lahaa, oo marka hore wax soo-saarkeedu aad u sarreeyey faa’ido badanna ay ka heli jireen sannad kasta, waxa aanay hoos ugu soo dhacday in beertan inta yar ee ka hadhay ay sannadkii soo saarto faa’ido dhan 187 doolar oo keliya. Laakiin beertii dib ayaa ay u soo noolaatay, markii Carter uu si buuxda ugu soo jeedsaday ka shaqaynteeda, ka hor intii aanu siyaasadda gelin. La soco cadadka dambe iyo shaqooyinka uu xilka ka hor soo maray madaxweyne Clinton.