Shaqadaadu Waxa Ay Ka Mid Noqon Kartaa Sababta Cudurka Kansarka Noociisa Kaadi Haysta Ku Dhaca

0
645

1London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey Ingiriiska ayaa lagu sheegay in shaqaalaha warshadaha kiimikada ku shaqeeya nooc kasta oo ay tahay, kuwa rabadhka iyo bacda soo saara iyo kuwa rinjiga sameeyaa ay yihiin dadka noocyada ugu badan ee uu ku dhaco kansarka noociisa kaadi haysta gala. Shaqaalaha Korontada iyo warshadaha kiimikada wax ka sameeya nooc kasta oo ay tahay iyo kuwa gaadiidka ayaa iyagu si gaar ah u noqday kuwa ugu badan ee u dhinta cudurkan oo maanta dunida ka ah nooca Afaraad ee ragga dunida ugu badan ku dhaca.

Dr. James Cato oo ka mid ah qorayaasha waaweyn ee Joornaalka Ingiriiska ee Journal of Urology oo ka faallooda qalniinnada kaadi-mareenka ayaa maqaal uu bishan aynu ku jirno horraanteedii faafiyey ku sheegay in natiijada 25 Cilmibaadhisood oo baadhitaanno ku sameeyey shaqaalaha 80 kii sano ee u dambeeyey ka hawlgala meelaha aynu kor ku soo xusnay ee Ingiriisku ay iftiimisay in shaqaalaha warshadaha ku shaqeeya kiimikada, rabadhka iyo rinjigu ay muddadaas Siddeetanka sano ahayd ahaayeen kuwa ugu badan ee uu ku dhaco cudurkan Kansarka kaadi mareenka.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Turkigu, waxa ay intaas ku dartay in Dr. James Cato waxa uu sheegay in shaqaalaha tijaabada lagu sameeyey ay tiradoodu gaadhaysay 702 Kun, 941 ruux oo qabta shaqooyin kala duwan oo warshadahaas ah, waxa aanu tilmaamay in natiijadaas naxdinta lihi ay tilmaamayso in noocyada kala duwan ee kiimikooyinka laga sameeyo wax-soo-saarka warshadahani ay keeni karaan noocyo kala duwan oo kansar ah, kansarkan kaadi haystuna sida muuqata ugu badan yahay.