Shaqada Saacadaha Badani Caafimaadka Ragga Waa U Faa’ido Dumarkana Khatar Ayaa Uu Ku Yahay

0
725

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in shaqada ka badan toddobaadkii 40 saac oo u dhiganta shan maalmood toddobaadkii oo maalin kasta 8 saac la shaqeeyaa ay dhibaatooyin caafimaad darro oo khatar ah ku keeni karto dumarka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, kor u kaca cabsida laga qabo in ay ku dhacaan cudurrada Kansarka iyo cudurrada wadnaha ku dhaca, laakiin marka ragga la eego si ka duwan dumarka iyaga waa u caafimaad.

Xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda gobalka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa baadhis, lafa-gur iyo sahamin ay ku sameeyeen dad tiradoodu ku dhow dahay Toddoba kun iyo Shanboqol oo da’doodu celcelis ahaan gaadhayso 32 sano jir, waxa ay ku ogaadeen in gabadha shaqaysa toddobaadkii wax ka badan 40 saac ay dhibtu ku soo baxdo marka ay gaadho da’da 50 jirka iyo ka badan, xilligaas oo lagu arko xaalado caafimaad darro oo si uun sababtooda loogu xidhiidhin karo shaqada badan ee ku soo dhacday.

Haddii saacadaha shaqada ee gabadhu ay ka bataan 60 saacadood, taas oo u dhiganta wiiggii lix maalmood oo maalin kasta 10 saac ah, in ay halis saddex laab ka badan tii caadiga ahayd u tahay xanuunno ay ka mid yihiin, Macaanka, Kansarka, cudurrada wadnaha, caabuqa xaglaha iyo laabatooyinka.

Daraasaddani waxa kale oo ay daahfurtay in ragga saacadaha badan shaqeeya, tusaale ahaan toddobaadkii shaqeeya saacado u dhexeeya 41 illaa 50 saacadood ay inta badan halis u yihiin hal xanuun oo ka mid ah kuwaas aynu kor ku soo xusnay, halka gabadha looga cabsi qabo in ay dhammaan xanuunnadaasi ku kulmaan.

Khubaradu kala duwanaanshiyahaas labada jinsi ee u adkaysiga saacadaha badan ee shaqada waxa ay ku sababeeyeen gabadha shaqaysa saacadaha shaqada inta badan u dheer tahay shaqo kale oo ay ka qabtaan guriga marka ay dib ugu noqdaan, taas oo sii badinaysa saacadihii jidhku uu daalka tirsanayey.

Waxaa iyaduna xusid mudan in cilmibaadhis ay sannadkii 2015ka sameeyeen jaamacadda Harvard iyo kulliyadda Stanford ay daahfureen in culayska badan ee shaqadu uu qofka ku keeno cudurro ay ka mid yihiin, Dhiigkar, wadne xanuun, xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga, iyo caafimaadka wadnaha oo hoos u dhaca. Sannad kastana dalka Maraykanka oo keliya 120 ayaa u dhinta sababo caafimaad darro oo la xidhiidha shaqada badan.