Shaqaalaha Dekedda Berbera Oo Ku Gadooday DP World

0
496

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah shaqaalaha dekedda Berbera ayaa shalay sameeyay shaqo joojin iyo mudaharaad ay kaga cabanayaan Shirkadda DP World ee la wareegtay dekaddaasi 1-dii bishan March.

Jaamac Yuusuf, gudoomiyaha gobolka Saaxil ee ay ka tirsan tahay Berbera, ayaa BBC u sheegay in shaqaalaha ay ka cabanayaan mushaharka shirkaddaasi, isagoo intaa ku daray in ay hadda xaaladdu dejiyeen oo ay caadi tahay.

Madaxa qaybta gaadiidka iyo qalabka raridda iyo dejinta ee dekedda Berbera, Xuseen Nuur Cabdi, ayaa isna BBC u sheegay in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha.

Waxa uu sheegay in uu shaqaalaha ku amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena uu kuwo ajaanib ah keensanayo. Wuxuu intaa ku daray in shaqaalaha qaarkood la xirxiray, rasaasna lagu riday. Shirkadda DP World ayaan weli ka hadlin cabashada shaqaalahan.