Shan Wasiirul Daakhili Oo Dalka Soo Maray Oo Maanta Isugu Tagaya Xisbiga WADDANI

0
992

Hargeysa(Geeska)-Shan wasiir daakhili oo isaga dambeeyay xilka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa maanta isugu tagaya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ay wakhtiyo kala duwan ku biireen.

Shanta Wasiir arrimo gudeed ee soo maray Somaliland  badankooduna xilka isku wareejiyeen ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani. Labadii u dambeeyay ayaa maanta uu xisbiga Waddani u qabanayaa munaasibad uu ku soo dhawaynayo oo loogu wanqalayo ka mid noqoshada xisbiga mucaaradka ah, waxaanay kala yihiin Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Axmed Jaambiir Suldaan.

Waxa labadan siyaasi ka sii horeeyay oo iyagu xisbiga Waddani hore uga mid noqday Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo saddexduba soo qabtay xilka wasiirka arrimaha gudaha.

Laba ka mid ah shantan wasiir oo kala ah Dr. Gaboose iyo Md. Duur ayaa iyagu xilka wasiirka arrimaha gudaha soo qabtay intii uu madaxweyne Siilaanyo talada hayay. Halka ay Cabdillaahi-Cirro iyo Ismaaciil-yare xilka hayeen wakhtigii Madaxweyne Rayaale, Axmed Jaambiir Suldaana wuxuu wasiirka daakhiliga ahaa cahdigii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Ismaaciil Aadan Cismaan, wuxuu xilka ku wareejiyay Cabdillaahi-Cirro oo isna ku wareejiyay Dr. Gaboose oo isna ku sii wareejiyay Duur.