Shan Qodob Oo Sabab U Noqon Kara In Laguu Qaadan Waayo Shaqada Aad Imtixaanka Waraysiga Ah U Gelayso

0
771

Hargeysa (Geeska)- Isbedellada waaweyn ee dhaqaalaha dunida ku dhacay oo saameeyey dhammaan daafaha dunida iyo tiknoolajiyadda horumarkeedu xawaaraha aadka u sarreeyo ku socdo oo marar badan buuxisa kaalintii qofka shaqaalaha ah looga baahan lahaa ayaa sabab u noqday in shaqooyinka la helayaa ay yaraadaan iyo in halkii shaqo qofku u galo tartan adag.

Haddaba marka aad imtixaan shaqo gasho ee aad soo gaadho heer lagaa dalbado in waraysi imtixaanka iyo tijaabada ka mid ah ay kula yeeshaan masuuliyiinta ama cidda u xil saaran in ay shaqaalaha qortaa waxaa qofka la gudboon in uu niyadda geliyo in uu horyaallo loollan adagi, qormadeennana waxa aynu ku soo qaadanaynaa shan ka mid ah qodobbada la aaminsan yahay in ay sabab u noqon karaan in qofka shaqaalaha qaadanayaa kaga joogsado shaqaalaysiinta qofka, waxa aanay kala yihiin:

1. Labbiska : Waa in aad labbiskaaga wanaajisaa, taas macnaheedu waa in aad iska jirto ku talax tagga labbiska iyo is dhalaalinta, isla markaana iska ilaaliso habacsanaanta iyo labbis xumada.

2. Beenta: Dad badan ayaa ku dadaala in ay been ku qurxiyaan taariikhdooda aqooneed ama shaqo ama dhaqankoodaba, laakiin waxa aad ogaataa in beentu ay tahay shay si fudud loo dareemi karo, haddii laguugu ogaadana boog madow kugu noqonaya.

3. Kalgacalka ka badbadinta ah: Dad badan ayaa u haysta in daacadnimo badan iyo is miskiinin la muujisto lagu kasban karo kalgacalka maamulaha shaqada, sidaa awgeed waxa ay iska yeelaan dabeecad is foorarin iyo is-dullayn ah, waxa ay iska yeel-yeelaan kalgacal badan iyo dad jacayl, laakiin waxa aad ogaataa in maamulaha aqoonta lihi yahay ruux mar kasta soo jeeda oo jecel ruux wax ku soo kordhin kara, la doodi kara fikirna abuuri kara, muuqaalka aad samaysatayna intaas midna kama turjumayo.

4. Eedaynta maamulahaagii hore: Waa run in maamule kastaa ceebo leeyahay, laakiin wanaagna waa jiraa, sidaa awgeed maamulaha aad kala tagteen ceeb iyo wanaag wixii uu lahaa soo wada dhamaysate oo hadda macne ku jira ka sheekayntiisu ma taallo. Waxa aad ogaataa in maamulaha caqliga lihi marka uu arko qof shaqaalihiisa ka mid ah oo caayaya maamulihii hore uu ula soo shaqayn jiray in uu markaba garanayo in isagana beri marka aad kala tagtaan aad sidaa u caayi doonto ama ceebihiisa uun uga warrami doonto.

5. Hadalka badan: Waxaa jira dad jecel marka ay imtixaanka shaqada ee waraysiga ah gelayaan in ay hadalka badiyaan, oo kaftan ku dhex daraan si loogu qaato qof furfuran oo shaqaalaha iyo maamulka ay is fahmi karaan, laakiin waxa ay illowsan yihiin in hadalka oo aad badisaa ay soo saarayso ceebahaaga uu aamusku kuu asturi lahaa, waxa kale oo aad ogaataa in aanu maamulaha shaqada u diyaarka ahi doonayn ruux hadal badan oo shaqadiisa kaga mashquula hadal tiro uu ku lumiyo waqti uu shaqo qaban lahaa.