Shan Kun Oo Sano Ka Hor Dadku Waxa Ay Aad U Jeclaayeen Cunista Duxda Riyaha

48
3238

Qaahira (Geeska) – Otzi oo sida oo kalana lagu naanayso ‘Ninkii barafku’ waa qolfoofka ugu faca weyn hadhaadiga aadame ee illaa hadda laga helay qaaradda Yurub. Qolfoofkan oo muddo ku siman 3400 oo sano dhalashadiisa Ciise ka hor (CS), lagu dhex xafidayey barafka fadhiya figta saree e buuraha Alps ee xuduudka Usteri iyo Talyaaniga ayaa sabab u ah in qolfoofkan loo bixiyo magaca ah, ‘Ninkii barafka’.

Cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey majaladda Current Biology ee ka faalloota arrimaha cilmiga, ayaa lagu ogaaday cuntadii ugu dambaysay ee uu cunay ninkan qolfoofka noqday ka hor intii aanu dhiman. Shaybaadho iyo baadhitaanno cilmiya iyo qalab casri ah oo la adeegsaday ayaa ay saynisyahannadu ku ogaadeen in ay jidhka qolfoofkan ka helaan hadhaaga suntan ‘Fern’ oo ka samaysanta noocyo ka mid ah dhirta cuntada laga dhigto. Waxa kale oo laga helay hadhaadiga maaddooyin iyo calaamado caddaynaya in uu cunay hilib adhi oo daray ahaa markaas ama la qallajiyey, hilibka garanuugta iyo midho.

Dr. Frank Meixner oo ka mid ahaa xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey, ayaa mar uu idaacadda BBC la hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa ay u eegtahay in ninkani uu cuni jiray xaddi badan oo ah maaddooyin dufan leh. Xaddiga dufanka xoolaha ee calooshiisa galayna waxa aynu ku qiyaasi karnaa in ay boqolkiiba 46 ka tahay guud ahaan cuntooyinka uu cunay.”

Saynisyahannada oo sii baadhay arrintan ayaa sheegaya in sababta qofka waqtigaas noolaa ku kallifaysay in uu dufan badan cunaa ay ahayd muhiimadda ay u lahayd in uu si joogto ah u cusboonaysiiyo tamarta jidhkiisa, si uu ugu itaalo shaqada adag ee noloshii xilligaasi u baahnayd oo ugaadhsigu ka mid ahaa.

Dr. Frank Meixner oo sii faahfaahinaya natiijada ka soo baxday baadhista ay ku sameeyeen cuntooyinka galay caloosha qolfoofkani markii uu noolaa, ayaa sheegay in dufannada galay uu ugu badnaa dufanka adhiga oo weliba riyaha ah. Shaybaadhada kala duwan ee lagu sameeyey caloosha qolfoofkan ayaa muujinaya in cuntadii ugu dambaysay ee uu cunay dhimashadiisa ka hor uu cunay inta u dhexeysa 30 daqiiqo illaa 2 saacadood ka hor geeridiisii, ahaydna cunto dufan riyaad leh.

Xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey oo ka tirsan xarunta cilmibaadhista ee Yurub ‘Eurac Research’ ayaa qiyaasaya in ninkan ay Otzi u bixiyeen oo qolfoofkiisu jiray 5300 oo sano, uu dhintay iyada oo ay qiyaas ahaan da’diisu tahay 45 sano, sababta dhimashadiisuna ay ahayd dagaal dhex maray isaga iyo dad ay isku asal yihiin. Qolfoofkan waxaa la helay sannadkii 1991 kii, isaga oo ku dhex aasan barafka buuraha Alps, waxa aana loo aqoonsan yahay in uu yahay qolfoofka ugu da’da weyn inta la ogyahay taariikhda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here