Shan Ka Mid ah Faa’idooyinka Caafimaad Ee Uu Soonku U Leeyahay Jidhka Bani’aadamka

0
800

Riyaad (Geeska)- Talefishanka ‘Icraf’ oo laga daawado internetka (youtube) ayaa barnaamijkiisa uu maalmaha Ramadaanka ugu talogalay ee lagu magacaabo ‘Maxaa jidhkaaga ku dhacaya bisha Ramadaan’ qayb ka mid ah waxa uu ku soo qaatay warbixin soo koobaysa daraasado kala duwan oo iftiiminaya faa’idooyinka yaabka leh ee uu soonku u leeyahay caafimaadka bani’aadamka.

Barnaamijkan oo markii warkan la diyaarinayey ay daawadeen dad tiradoodu ka badan tahay 70 Kun oo ruux ayaa loogu talogalay in dadka muslimiinta dunida ee bisha soon ku jira la fahamsiiyo in soonka aanay u niyeysan oo keliya in uu yahay cibaado Rabbi ku waajibiyey gudashadeeda, balse ay ogaadaan in iyaga qudhooda ay danta ugu weyni ugu jirto dhinaca caafimaadka.

Faa’idooyinkaas caafimaad ee soonka oo kuwooda ugu muhiimsan uu Geeska Afrik afsoomali u turjumay ayaa ah”

1. Dib u cusboonaysiinta Dheefshiidka: Alle (SWT) waxa uu jidhka siiyey awood dabiici ah oo uu isagu xaaladaha qaar isku daweyn karo, isla markaana kaga hortegi karo cudurrada isaga oo adeegsanaya hab-dhiska difaaca. Haddaba cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in soonku saddex maalmood gudahood qofka kaga caawiyo dib u cusboonaysiinta iyo nadiifinta hab-dhiska difaaca gebi ahaantii isaga oo ana wax dawo ah adeegsan.

2. Ka hortagga cudurrada: Jidhka nasashada iyo dabaca badan ee uu helo xilliga ramadaanka iyo sidoo kale ka fogaanshiyaha caadooyinka xun xun ee sigaar qiijintu ka mid tahay waxa ay ka caawiyaan in uu nasto, waxa aanay saamayn fiican ku yeeshaan awoodda uu u leeyahay in uu cudurrada iska difaaco.

3. Xoojinta maskaxda: Cilmibaadhiso xeeldheer oo lagu sameeyey caafimaadka soonku u keeno jidhka ayaa lagu ogaaday in uu xoojiyo shaqooyinka kala duwan ee maskaxda isla markaana wanaajiyo u fiirsiga iyo deggenaanshiyaha maskaxda aadamaha, taas oo sababteedana ay khubaradu ku sheegeen in curiyaha Neurotrophic oo ah nooc Barootiinta ka mid ah oo maskaxdu ay sii deysaa, uu la falgalo unugyada neerfeed ee qaybaha kala duwan ee maskaxda, xoojiyana xusuusta isla markaana maskaxda u fududeeyo waxbarashada iyo awooddeeda garasho.

4. Tamarta oo korodha: Soonku waxa uu nasiyaa jidhka waxa aanu si weyn ugu dhiirrigeliyaa in uu is-cubsoonaysiiyo, taas oo suurtogelisa in xilliga soonka ay dhacaan isbedello hormoon oo si weyn u caawiya in jidhku uu helo xaddi badan oo ah tamar ka caawisa in uu dareemo firfircooni iyo nolol/diir-diirranaan.

5. Miisaanka oo dhaca: Sida cid kastaa garan karto in cuntada oo la iska yareeyaa ay keento miisaanka oo dhaca, oo weliba sida ugu habboon caafimaad ahaan u dhaca, sidaa awgeed xilliga soonka waxa ay u badan tahay in qofku uu miisaankiisu is dhimo. Arrinta xiisaha gaarka ah lihina waa in soonku aanu miisaanka oo keliya dhimin balse uu sidoo kale gubo xaydha iyo dufanka ku urura jidhka meelo ka mid ah.