Shan Arrimood Oo Aad Ka Maarmi Karto Ayaa Haddii Aad Iska Dayso Ay Lacag Badani Kuu Dhigmaysaa

0
1211

Hargeysa (Geeska)- Waqtiyadan danbe oo ay dunida ku soo badanayaan dhibaatooyinka dhaqaale waxaa soo kordhay in xeeldheerayaasha dhaqaaluhu ay dadka iyo shirkadahaba siiyaan talooyin dhaqaale oo ka anfaci kara ka badbaadista mawjadaha aan fadhiyin ee dhaqaalaha iyo kaydsiga lacago ugu filan in ay kayd samaystaan.

Waxaa soo kordhaya talooyinka soo jeedinaya in qofku kayd lacageed uu samaysto, in uu yareeyo kharashaadka aan loo baahnayn sida kuwa raaxaysiga iyo waxyaabaha aan muhiimka u ahayn nolosha ku baxa.

Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa uu wargeyska Ar-ru’ya ku soo gudbinayaa qodobbo ay khubarada dhaqaaluhu ku taliyeen in uu qofku noloshiisa ka beddelo, haddii uu doonayo in dakhligiisa uu wax ka dhigto.

1. Guri kharashkiisu yar yahay: Sida caadiga ah kirada guryuhu waxa ay u kala qiimo sarraysaa sida ay hadba u kala duwan tahay xaafadda uu gurigu ku yaallo iyo inta uu le’eg yahay ama qaabka uu u dhisan yahay. Muhiim ma’aha in aad noloshaada ku bilowdo guri ay kiradiisu aad u badan tahay ama in adiga oo weli noloshaada salka u dhigin in aad iibsato / dhisato guri aad u weyn.

2.Cuntada waddaniga ahi waa u muhiim dhaqaalahaaga: Waxa fiican in qofku naftiisa baro in cuntadiisa uu gurigiisa ku samaysto, oo aanu baran cuntooyinka hudheellada ee qiimahoodu sarreeyo. Waxa aad guriga ku samaysan kartaa cuntooyin nafaqo ahaan isu dheelli-tiran kana waxtar badan cuntada hudheellada oo laga yaabo in waxa keliya ee ay ku fiican tahay uu yahay dhadhankeeda dadka soo jiidanaya.

3. Gaadiidka: Qasab kuguma ah in aad gaadhi qaaliya iibsato iyo xitaa in aad gaadhi wadato oo aad naftaada saarto culayska kharashaadka gaadhiga ku baxaya ee shidaalka iyo dayactirku ka mid yahay. Inta aad noloshaada mustaqbalkeeda muuqda xasilinayso waxaa kugu filan in aad gaadhiga ugu qiimaha jaban uguna kharashka yar iibsato. Waxa ka sii fiican in aad barato oo adeegsato gaadiidka dadweynaha. Ceeb ma’aha in qoysaska deriskaaga ah aad kula heshiiso in aydun hal gaadhi u wada isticmaashaan in carruurta iskuulka lagu geeyo, ama in hawlaha la wadaagi karo oo dhan hal gaadhi ku shuraakowdaan.

4. Yaree kharashka laydhka: Waxa aad ku xisaabtantaa in kharashka kaaga baxa laydhka, gaasta cunto karinta iyo qalabka kale ee korontada u baahani uu ka mid yahay kharashaadka ugu dhibta badan ee dakhligaaga dhiigbaxa ku keenaya adiga oo aan is dareemin.

Ku dadaal in aad yarayso isticmaalka qalabka korontada ku shaqeeya, sida in aad habeenkii iska demiso laydhadhka iyo in qolalka aan la isticmaalayn uu laydhooda iyo qaboojiyahooduba bakhtiisnaadaan. Iska yaree isticmaala hawo-qaboojiyaha, haddii aanay baahi xoog ahi jirin. Waxa aad gurigaaga ku isticmaashaa qalabka kulayka yareeya ama qabowga saara ee aan korontada ku shaqayn.

5. Dhaqanno kharash badan: Caadada ama habdhaqankaaga nololeed ayaa fure u ah xaddi kharash ee ay tahay in aad isticmaasho. Tusaale ahaan haddi iaad sigaarka nuugto, oo maalin kasta aad baakidh iibsato baakidh ama aad balwad qaad leedahay oo maalin kasta caado ay kuu tahay in aad Toban doolar ku qaysho, waxa ay kor u qaadaysaa kharashka maalinlaha ah eek aa baxa.  Labadan oo keliya ma’aha ee balwaduhu waa ay badan yihiin, waxaa iyaguna jira hab nololeedyo caado noqda oo kharash badadn, waxaa ka mid ah in aad iska kiraysato xafiis aanad hawl ku qaban oo laydh iyo kiro kugu socdaan, ama in aad toddobaad kasta dalxiis iyo laydhsi qoyskaaga u saarto.

Caado ha ka dhigan in wax kasta oo aad iibsigiisa u baahato aad ka adeegato meheradaha aadka u qaaliga ah ee magaca ku leh deegaankaaga, tusaale ahaan ma jiro wax beeninaya in dhar ku qanciya aad ka heli karto meherado qiimahoodu aad u jaban yahay.

Talooyinkan oo aad raacdaa waxa ay ka mid yihiin arrimaha ay khubaradu xaqiijiyeen in ay si weyn u dhimayaan kharashaadka macno darrada ah ee joogto kaaga baxa, taasina ay fursad kuu siinayso in aad lacag dhigan karto, si aad noloshaada guud ugu horumariso ama ugu badbaaddo xilliga dhaqaale yaraantu jirto ama kharash lagama maarmaan ah oo weyni kugu soo baxo.