Shan Arimood Oo Ku Khasbaya Man United Inay Hesho Cristiano Ronaldo

Published on Jun 23 2017 // Ciyaaro

Dhawaan ayey ahayd markii xidiga afarta jeer loo caleemo saaray bilada xidignimada adduunka ee Ronaldo uu gaadhay go’aanka ah inuu katagayo Real Madrid Isagoo ku sababeeyey inay kooxdiisu waxba kala qaban arimaha lagu eedeeyey ee cashuur lunsiga. Inti ka dambaysay warkaasi ayaa waxa loolan wayn u galay heerka caalami kooxo badan oo ka dhisan qaarada Yurub iyo dalka Shiinaha, waxana ugu cad-cadaa kooxaha PSG iyo Manchester United. Haddaba kooxda ka dhisan England ayaa ah tan ugu dhaw ee heli karta ciyaartooygan sababo badan awgeed, waxaana aynu ka xusi doonaa dhawr arimood.

1# Ronaldo oo Qudhiisu Raba Man United: Old Trafford, waa masraxa riyadeyda sidaas waxa hore u sheegay Ronaldo. Haddaba iyadoo taasi jirto waxaa soo baxay warar sheegaya in xidigani uu wakiilkiisa u sheegay inuu dhameeyo wada hadalada kooxda Man United.

2# Real oo Rabta Goolhaye De Gea: waxay noqonaysaa fursad ay ku bedelato islamarkaana ay lacag raaciso kooxda Man United Goolhayaheeda De Gea kaasoo Real Muddo badan Raadinaysay.

3# Jacaylka Taageerayaasha Manchester United: waa kooxdii uu hore uga soo ciyaaray kuna soo shaac baxay, haddaba taasi waxay fursad u siinaysaa inuu dib ugu soo noqdo Old Trafford.

4# Waa Xidig Anfici kara Manchester United: Xidigan ayaa ku caan ah gool dhalin badan iyo xirfad saraysa, taasoo ka caawin karta inay Man United gaadho guulo badan.

5# Awoodeeda Dhaqaale: Marka loo eego kooxaha ugu qanisan kubada cagta ayaa Man United Figta sare ka gashay Dhawaan, awooda sareysa ee dhaqaalaha Man United waxay u sahlaysaa inay kharash u hesho xidigan qiimihiisu sare maray 300 Milyan Pound. Waxaana tusaale inooga filan Pogba oo ay xagaagii hore ku bixisay lacgtii ugu badnayd ee lagu iibsado ciyaartooy.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!