Shalay Iyo Xafladi Loo Sameeyay Xidhitaanka Dugsiga Sare Ee Faarax Nuur

0
1184

arday

Hargeysa(Geeska)-Xaflad Si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa loo sameeyay sanad dugsiyeedka Dugsiga Sare ee Faarax Nuur Secondary School ee ku yaala Magaalo Madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle.

Xafladan oo lagu qabtay Huteel Al Xayaat ee Magaaladda Baligubadle, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiradda Diinta iyo Awqaafta, Beeraha, Suldaanka Guud ee beesha Gobolka Hawd, Wasiirkii Hore ee Beeraha, Badhasaabka Gobolka Hawd, Guddoomiyaha Hay’adda NDC, Mayorka Magaaladda Baligubadle, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiiladda, Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Hay’adda Islaamiga ah ee Huda, Macalimiinta wax ka dhigta dugsiga, arday iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Mac-hadkan oo ay maamulkiisa gacanta ku hayaan hay’adda Islaamiga ah ee Huda, isla markaana maalgelintiisa uu bixiyo Cabdale Abiib, ayaa waxa ugu horeyn xafladda xidhitaanka hadalo koob-kooban oo u badan habsami u socodka machadka halkaasi ka soo jeediyay maamulaha dugsiga Sare ee Faarax Nuur Khaalid Haaruun, waxaanu yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in maanta aynu halkan ugu dabaal degno sanad dugsiyeedka dugsiga sare ee Faarax Nuur, waxaanan dhamaanba marti sharafta uga mahadnaqayaa sida fiican ee ay u soo ajiibeen marti qaadkayagii” ayuu yidhi Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Nuur.

“Waxa aan kula dardaarmayaa dhamaanba ardayda in ay dedaalkooda sii laban laabaan isla markaana xooga saaraan sidii ay facooda kale wax ula qaybsan lahaayeen, waayo cilmigu maanta waxa uu noqday waxa keliya ee lagu tartamo” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Hay’adda Huda Cabdinaasir Iid Maxamed Oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay waxyaabaha ay dalka ka qabato hay’adda Al Huda waxaanu yidhi ‘Ugu horeyn aan ku hambalyeeyo ardayda dugsiga sare ee Faarax Nuur sanad dugsiyadeedkooda, hadii aan u soo laabto hay’adda Huda, waa hay’add wadani ah, oo ka hawl gasha waxyaabaha bulshada lagu taageerayo taas oo ay ugu horeyso waxbarashadu, waana hay’add uu saldhigoodu yahay Hargeysa, laakiin waxa ay ka shaqaysaa dhamaanba gobolada Somaliland oo dhan, waxaanay hawlo ka fulisay laga bilaabo Boorama ilaa Caynaba inta ka dhaxaysa oo dhan, inta ugu badan laakiin waxa aanu hawlaha ka fulinaa magaaladda Hargeysa oo aanu gacanta ku hayno Madarasad la yidhaahdo al Huda, oo ay hay’adda isku magac yihiin, kaas oo lacag la’aan lagu dhigto” ayuu yidhi.

“Baligubadle ahaan hay’adu hawlaha ay ka qabato waxa ugu horeysa sidii ay u taageeri lahayd dugsiga sare ee Faarax Nuur Secondary, waxaanay hay’addu gacanta dugsigan dhinaca dhaqaalaha kaga qabatay labadii sano ee ugu dambeeyay, waxaana mudadii ay hay’addu gacanta ku haysay ka muuqda isbedel weyn, waxa mar hore la sheegay in sida uu hoos ugu dhacay waxbarashada dugsiga sare, anaga oo taas ka shiidaal qaadanayna waxa aanu Isku daynay in aanu wax badan ka qabano habsami u socodka dugsiga sare ee Faarax Nuur.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Diinta iyo awqaafta, Wasiirkii hore ee Beeraha iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, kuwaas oo dhamaantoodba tilmaamay in ay waxbarashadu tahay waxa keliya ee lagu tartami doono mustaqbalka.