Shacabka Oo Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Kaga Jawaabay ‘Dhadhaarada Oo La Kala Bedelaa Dheriga Ma Macaaneeyaan”

0
750

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu habeenimadii Isniintu soo galaysay isku shaandhayn ku sameeyay xubno ka tirsan xukuumadiisa.

Go’aankan Madaxweyne Siilaanyo oo muddo la sugayay, waxa lagu eekaysiiyay badhasaabo iyo maareeyayaal, waxaana dabcan la garwaaqsan karaa in Madaxweynuhu talaabadan qaaday ka dib dhaliilo uu arkay oo kaga yimid bulshada, kuwaas oo sabab u noqday inuu sidan sameeyo si uu ugu yaraan isugu dayo inuu shacabka doortay qanciyo islamarkaana uu taageero ugu raadsado.

Madaxweynuhu meelaha uu taabtay ee dadku eegayay waxa ka mid ah maareeyaha faraca dekedda Berbera oo uu xafiiskiisii ka bedelay, isagoo xilkiisii u magacaabay Maareeye kale oo joogay xafiis kale.  Inkastoo walaaca iyo cabashada bulshadu ka muujisay dekedda Berbera aanu ahayn masuulkan ee uu salka ku hayo madaxda DP world ee uu heshiiska la galay, haddana talaabadan Madaxweyne Siilaanyo qaaday ayaa noqotay mid dad badan oo sugayay in Madaxweynuhu soo kordhiyo isbedel togan,  ku keentay inay candhuuftooda dib u liqaan, maadaama aanu Madaxweynuhu soo kordhin isbedelkii ay dad badani mudada dheer sugayeen, isla markaana aanu taaban wasaarado iyo haayado in badan oo ka mid ah dadka siyaasadda Somaliland falanqeeyaa ay u arkayeen in ay isbeddel iyo xoojin ama horumarin siyaasi ah iyo mid maamulba u baahan yihiin.

Bulshadu, waxa ay madaxweynaha ka sugaysay inuu isbedelkiisa kaga jawaabo tabashooyinka ay qabaan ee dhinacyada siyaasadda gudaha, siyaasadda dibadda, sicir bararka dhaqaalaha dalka aafeeyey, khilaafka soo noq-noqda ee masuuliyiinta qaarkood, qaybsanaanta bulshada ee durugtay iyo arrimo kale oo bulshada ku habsaday lixdii sanadood ee uu talada hayay.

Talaabadan Madaxweyne Siilaanyo kama ay jawaabin dareennadii bulshada, in aanay isku shaandhaynta iyo xil ka qaadistani ahayn mid macno badan samaynaysana waxaa laga dheehan karaa in inaanu jirin weji cusub oo saaxadda soo galay.

Waxaana markaas la arkayaa in madaxweynuhu tabashadii bulshada ee uu isaga laftiisa markii uu arkay uu talaabadan qaaday uu kaga jawaabay isku bedelka masuuliyiinta xukuumadiisa. Marka ay sidaas tahayna waxa loo arkay in digreetadan u dambaysay ee madaxweyne Siilaanyo lagaga jawaabi karo, “Madaxweyne dhadhaarada oo la kala bedelaa dheriga ma macaaneeyaan.”

Waxaanay Madaxweyne shacabkii ku doortay kaa sugayaan inaad ka jawaabto dhaliilaha ka muuqda xukuumadadaada oo aad samayso talaabo shacabka qancisa oo aad si wax-ku-ool ah u dhaydo boogaha shacabku dhibsadeen ee xukuumaddaada ka muuqda, maadaama oo laga yaabo inay digreetadani noqoto tii u dambaysay ee aad kula dhex dhacdo xukuumadaada.