Shabakada Ciyaaraha Spain Ee Marca Oo Shaacisay Abaal-marinta Sanadlaha Ah Ee Horyaalka Spain

0
967

Simeone-and-Ronaldo-Marca-474x300

Shabakada ciyaaraha wadanka Spain ee Marca ayaa shaacisay abaal marinta sanadlaha ah taas Oo Sanad kasta sameysa cod bixin loogu talo galay Abaal marinta Sanadka oo lagu soo doorto ciyaar yahanada iyo tabobaraha ugu fiican sandka.

Cristiano Ronaldo ayaa Ku guuleystay ciyaariyahankii sanadka ugu fiicnaa horyaalka La-ligaha wadanka Spain, abaal marintan oo ay bixiso shabakada ciyaaraha ee Marca, codadka ayaa laga dhiibanayey barta Facebooka ee Marka Football Awards waxaana ka qayb galay dad ku nool in ka badan 191 wadan oo caalamka ah, waxaana ka qayb galay dad gaadhay 1, 200,000. Cristian Ronaldo ayaa abaal marintan kaga guulaystay laacibka kooxda Barcelona ee Luis Suarez.

Dhanka kale Diego Pablo Simeone ayaa ku guuleystay macalinka sanadkan ugu fiicnaa horyaalka LA-LIGA, kadib markii uu tartan adag uu u  galay horyaalka inkastoo uu ugu danbeyn ka hadhay, waxaanu ka qaaday macalinka Barcelona ee Luis Enrique iyo tabobaraha Villareal ee Marcelino.

Goolhayeyaasha kala ah John Oblak oo Atletico Madrid u ciyaara, Cluadio Bravo oo Barcelona ah iyo Keylor Navas ayaa ku tartamay abaalmarinta goolhayaha sanadka horyaalka Spain waxaana ku guuleystay xidiga Costa Rica iyo kooxda Real Madrid ee Keylor Navas.

Dhanka kale Marcelo Oviero ayaa loo doortay difaacii ugu fiicnaa ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan. Dhinaca khadka dhexe waxaa ku guulaystay Luka Modric waxaana kula tartamayey Sergio Busquets iyo Iniesta. Halka Goolkii sanadka ee horyaalka La-Ligaha loo doortay Antonie Greizmann goolkiisii layaabka lahaa ee uu ka dhaliyay kooxda Real Sociedad.