Shabakad Internet Ka Ah Oo Fududaynaysa In La Dhegeysto Codadka Shucuubta Kala Duwan Ee Dunida

0
687

Hargeysa (Geeska)- Haddii aad tahay dadka jecel safarka iyo barashada luuqadaha kala duwan ee dunida, waxaa laguugula talinayaa in aad warkan akhrido.

Degelka Internet ka ee Local Lingual (https://localingual.com/) ayaa wada tijaabo war-is-gaadhsiineed  oo si heer sare ah looga dhegeysan karo codadka shucuubta kala duwan ee dunida, sida ay ugu dhawaaqaan magacyada dawladaha, magaalooyinka iyo deegaannada kala duwan iyo kelmadaha kale ee la mid ah.

Degelkan oo cinwaankiisu yahay kan ka muuqda qaybta sare ee qormadan ayaa marka la galo waxa uu kuu soo bandhigayaa khariidad weyn oo dunida oo dhan ah, taas oo uu qofku ka dooranayo dawladda uu u dan leeyahay, ama inta uu gujiyo oo soo dhoweysto uu dawladdaas gudaheeda ka sii dooranayaa deegaannada uu rabo si uu u dhegeysto lahjadaha laga yaabo in dawladda gudaheeda lagu sii kala duwan yahay.

Barkulankan ayaa dadka adeegsanaya fursad u siinaya in ay ku duubi karaan codkooda, luuqadda ay doonaan, kadibna ay ku kaydinayaan degelka si ay dunida u baraan luuqaddooda ama lahjadda gaarka uga sii ah afkoodaas. Tusaale ahaan waxa uu qofku awoodaa in uu ku kaydiyo magaca dawladdiisa oo Soomaali ah, oo weliba dhawaqeedu ku salaysan yahay deegaanka uu ka soo jeeda, iyo khariiradda halka ay kaga suntantay.

Degelkani waxa uu dadka adeegsanaya fursad u siinayaa in ay dhegeystaan sida loogu dhawaaqo magaca dawladda ay doonayaan, af kasta oo ay bulshada dalkaasi ku hadasho, iyo xitaa lahjadaha ka jira, waxa kale oo uu ka helayaa heesta calanka ee dalkaas u gaarka ah, iyo qayb fursad u siinaysa in uu isaguna bal hadda qiimeeyo codadka hore loogu sii duubay degelka.

David Ding oo hore uga tirsanaan jiray Injineerrada shirkadda caanka ah ee Microsoft ahna ninka iska leh ee aasaasay degelkan cusub ee Local Lingual ayaa dadaal ugu jira sidii uu dunida ugu soo bandhigi lahaa kala duwanaanta dhinaca afka ee dunida, waxa aanu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in degelkiisan cusubi uu la mid noqdo degelka diiwaanka caalamiga ah ah ee Wikipedia laakiin uu oo isagu (Logal Lingual) u gaar yahay xogta la xidhiidha luuqdaha iyo lahjadaha dunida ka jira.