Shaashadda Taabashada Ku Shaqaysa Ee Taleefannada Gacantu Waxa Ay Khatar Ku Yihiin Caafimaadka Lafaha, Muruqyada Iyo Maskaxda Carruurta

36
3378

London (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa waalidiinta uga digtay in ay carruurtooda u ogolaadaan isticmaalka muddada badan ah ee qalabka tiknoolajiyadda casriga ah ee ku shaqeeya taabashada, sida kombiyuutarrada, taleefannada gacanta iyo qalabka la midka ah.

Koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee boqortooyada oo ku taalla dalka Ingiriiska ayaa ogaaday in isticmaalka badan ee aaladahani uu khatar ku yahay lafaha faraha gacmaha ee carruurta, gaadhi karana in ay burbur yeeshaan iyo in ay ugu dambaynta awoodi kari waayaan in ay si fiican u qabsadaan qalinka, waxa kale oo carruurtan lagu arkaa qoraalka oo ku adkaada.

Dhakhaatiirtu waa ay ka digeen in muraayadahan korontada ku shaqaynayaa ay ilmaha ku keenaan dib u dhac dhinaca dhugmada iyo u fiirsashada maskaxda ah, oo keenta in fahamkooda waxbarasho hooseeyo. Waxa kale oo ay ilmaha ku keenaan dhibaatooyin dhinaca aragga ah, sababtuna ay tahay nooca ilayska ay bixinayaan shaashadahani.

Intaas oo keliya ma’aha dhibaatada carruurta ka soo gaadha qalabka tiknoolajiyadda, balse waxaa kale oo ka mid ah in ay caafimaad darro ku keento muruqyada gacanta ee ilmaha.

Ugu dambayntii cilmibaadhayaashu waa ay ku taliyeen in qoysasku ay xakameeyaan saacadaha ay ilmahooda u ogolaanayaan isticmaalka aaladahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here