Shaahu Waxa Uu Daawo Ka Yahay Xanuunno Nafsi Ah

0
984

Amsterdam (Geeska)- Cilmi baadhayaal in badan daraasaynayey faa'idooyinka laga heli karo shaaha ayaa sheegay in shaahu qayb libaax ka qaato wanaajinta dabeecadda iyo dejinta neerfayaasha. Cilmi-badhayaashani waxa ay sheegeen in ay dhab tahay in shaahu saamayn fiican ku leeyahay xaaladda nafsiga ah ee qofka.

Daraasaddan markii la samaynayey waxa tijaabadeeda lagu sameeyey, dad tiro badan oo ka qayb qaadanayey tartan ahaa fanashada buurta ugu dheer dunida ee Everest iyo dad aan iyagu tartanka ka qayb qaadanayn balse daawasho iyo taageero u joogay, waxaana baadhitaan cilmi ah oo xeel dheer kadib soo baxday natiijada ah in koob ama laba koob oo shaah ah oo uu qofku maalintii cabbaa ay saamayn togan ku yeelatay xaaladda nafsiga ah ee dadkii lagu tijaabiyey.

Waxa soo baxday in shaahu kor u qaado firfircoonida iyo heerka hawl qabasho ee qofka. Sida xaqiijiyeen khubarada samaysay daraasaddani waxa ay ogaadeen in Shaahu qofka ka dhigo qof baraarugsan oo dhugmo u leh waxa uu qabanayo. Daraasaddan oo lagu faafiyey barta internet-ka ee Almuxiid oo laga leeyahay dalka Masar waxa ay intaas ku dartay in Sulin Nafiyos oo ah haweenay ku takhasustay cuntada kana tirsan mac-had ka shaqeeya baadhitaannada cuntada oo ku yaalla dalka Holland ay sheegtay in shaaha ay ku jirto maadadda Florid oo qayb weyn ka qaadata ilaalinta caafmaadka ilkaha, waxa kale oo shaaha ku jira maaddooyin badan oo qaarkood ka hor  tag u noqon karaan bakteeriyada iyo ka hortagga suuska.