Shaaha Ma Xaaskaa Karinaysa Mise Sayga?! Muran Qoys Ku Burburay, Dood Adagna Bulshada Ka Dhex Abuuray

0
1113

Qaahira (Geeska)- Qofka shoolad isticmaalaya ugu badnaan shan daqiiqo ayaa ay ku qaadataa in uu koob shaah ah diyaariyaa, laakiin wax sidaa u sahlan ayaa mararka qaarkood bani’aadamka u horseedi kara muran burburiya wax qiimo badan ugu fadhiya bulshada iyo qarankaba.

Waxa ay tan oo kale ka dhacday dalka Masar oo maalmihii u dambeeyey warbaahinta dadweynaha ay ku dhex wareegayeen fallooyin iyo doodo la xidhiidha su’aal nuxurkeedu yahay, ‘Guurka kadib, yaa ka masuul ah diyaarinta Shaaha’ Qisadani waxa ay ka bilaabatay markii barkulanka bulshada ee internet ee Facebook la soo geliyey qisada muran ka dhashay nin xaaskiisa oo ay isku cusub yihiin ka dalbaday in ay shaah u soo kariso iyaduna ka diidday, kadibna isu beddeshay muran sababay furniin.

nin ka mid ah dadkii arrintan faalleynayey oo qaab maadays ah u dhigay ayaa yidhi hadal macnihiisu yahay, “Haddii saygaagu kaa dalbato shaah in aad u kariso, isaga oo caafimaadkiisa qaba. Lug iyo gacan ka goo, haash sigaarna dhafoorka kaga bakhtii, si caafimaadkiisu u xumaado, kadib markaas shaaha uu doonayo u kari. Ajar baad ka helaysaa in qof naafo ah aad u adeegto ee” laakiin gabadh ay ka muuqato in ay si ka macquulsan ninkan arrinka u eegtay ayaa farriintiisan kaga jawaabtay, hadal u dhigan, “Lugaha iyo gacmaha ka jar, oo dhiiggu meesha oo dhan dareero, hana wasakheeyo. Haddana anigii aan ku qasbanaado in aan nadiifiyo dhiiggii.. Maya, sidaa ma yeelayo ee shaaha uu doonayo in aan u sameeyo ayaa ka fudud”

arrintan oo dooddeedu dheeraatay ayaa kalliftay in ay soo dhexgalaan khubaro ku xeeldheer xidhiidhka bulshada iyo xitaa culimo ka eegta dhinaca Islaamka. Dr. Muxammed Haani oo ah ku xeeldheer cilminafsiga, baadhitaanno cilmiya oo horena ku sameeyey cilaaqaadka qoyska ayaa ka mid ah dadka muhiimka ah ee dooddan kulul soo galay. Sida uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Misr Alcarabiya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Cidhiidhka qoysnimo ee marka horeba ku dhisan diyaarinta koob shaah ahi, ma’aha xidhiidh caafimaad qaba. Nolosha qoysnimo sideeda ayaa ay isaga dhibaatooyin badan tahay, sida keliya ee ay lammaanuhu qoyskooda ku badbaadin karaanna waa in ay iskaashi iyo iscaawin la yimaaddaan” Dr. Haani wawxa uu sheegay in labada qof laga rabo in aanay isu arkin in ay shaqooyin gaar ah ku kala leeyihiin gudaha gurigooda, balse ay isu arkaan dad is caawinaya oo qof kastaa waxa uu ku fiican yahay uun ku hagaagayo, kan kale haddii uu la garanayana uu la caawinayo ama dhankiisa hawl kale kaga mashquulay.