Shaah Mise Bun: Weli Ma Is Weydiisay Sababta Ay Naftaadu Midkood U Jeceshahay?

0
9935

Waa dabeecad aadamaha lagu yaqaanno in uu cabbitaan gaar ah jeclaado, finjaan shaah ah dheh, ama koob bun ah ha noqoto ee, laakiin waxaa xiiso leh in aanay badankoodu ogeyn sababta nafsaddooda ku riixaysa in ay cabbitaankan kala doortaan. Haddaba cilmibaadhis cusub ayaa faduulisay in ay jawaab u hesho hal-xidhaalahan. Waxa aanay daahfurtay in nacaybka bunka ama qofka oo shaaha doorbidaa ay calaamad u noqon karto in qofku uu xasaasiyad ku leeyahay dhadhanka qadhaadhka, xitaa haddii aanu isagu isku ogeyn.

Xeeldheereyaasha cilmibaadhista sameeye yayaa caddeeyey in sababta kale ee kala doorashada cabbitaannadu ay noqon karto mid xidhiidh la leh hiddesideyaasha, oo la ogyahay in ay keeni karaan in qofku u adkaysan waayo qadhaadha, sidaa awgeedna qofka oo aan is dareemin ay maskaxda ku riixi karaan in ay cabbitaannada qaar doorato, kuwo kalana ay nacdo. Iyada oo ku qiimaynaysa sida ay u kala qadhaadh badan yihiin.

Bare sare Marilyn Cornelis oo ka tirsan jaamacdda Northwestern oo hoos tagta jaamacadda Weinberg ee caafimaadka oo ku taalla dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in marka hore la aaminsanaa in dadka xasaasiyadda ku leh qadhaadhku ay u badan yihiin in ay cabbaan bun aad u yar, laakiin natiijada ay hadda cilmibaadhistan cusub ku ogaadeen ay muujinayso in dadka bunka cabbaa ay ka helaan awood ay ku garan karaan maadadda Caffeine eek u jirta, firfircoonida ay ka helaan awgeed.

Marilyn waxa ay sheegtay in sida oo kale ay daraasaddani ina barayso in jacaylka bunka iyo guud ahaan u adkaysiga qadhaadhku ay maskaxda ku abuurto dareen ah in wax kasta oo fiican ama togan ay ku xidhiidhiso dhadhanka bunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here