Shaaglaydhku Waxa Uu Xoojiyaa Xusuusta Iyo Fahamka Maskaxda Waxa Aanu Caawiyaa Caafimaadka Wadnaha

0
605

Roma (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Talyaaniga ayaa lagu ogaaday in cunista geedka Kaakow (Cacao) oo ah geedka laga sameeyo Shaaglaydhka (Jokolaataha) uu wanaajiyo caafimaadka iyo awoodda maskaxda ee fahamka, garaadka iyo xusuusta, gaar ahaan dadka da’da weyn.

Cilmibaadhista oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda L’Aquila ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in Shaaglaydhku uu hodan ku yahay maaddooyinka lagu magacaabo Flavanols oo dabiici ah, taas oo faa’ido aad u ballaadhan u leh neerfayaasha. Tijaabooyinka ay sameeyeen xeeldheerayaashani waxa ay ka marag kaceen in geedka Kaakoow oo la isticmaalo shan maalmood toddobaad kasta, iyada oo la wadayo muddo 3 bilood ah ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo la xidhiidha nafsadda iyo maskaxda, gaar ahaanna dadka waaweyn ay ka caawiso gudashada waajibaadkeeda, sida xusuusta, garashada iyo fahamka dhaqsaha ah iwm. Sababta ugu weyna waxa ay khubaradu ku sheegeen in Shaaglaydhku (Shokolaatuhu) uu xoojiyo xaddiga dhiigga gaadhaya maskaxda, taas oo ah hawl muhiim u ah ka hortagga guud ahaan xanuunnada maskaxda ku dhaca, gaar ahaan kuwa da’da la socda ee uu ugu horreeyo Alzheimer.

Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay si gaar ah u tilmaameen in cunista Shaaglaydhka ama geedka laga sameeyo ee Kaakow ay si gaar ah ugu fiican yihiin dadka hurdo la’aanta badani hayso iyo dadka shaqadoodu aadka u adag tahay.

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in Shaaglaydhku aanu sabab u noqon in miisaanku kordho, in kasta oo aanay taas macnaheedu ahayn in uu caafimaad ahaan ceeb la’ yahay gaar ahaan marka la eego waxyaabaha ku jira oo ay ka mid yihiin maadadda Caffiene oo aan lagula talin dadka wadne xanuunka badan leh, sida oo kalana shaglaydhka marka la warshadaynayo inta badan lagu daro sonkorta oo la ogyahay in aanay caafimaadka u fiicnayn.

Waxaa jira cilmibaadhiso hore oo iyaguna caddeeyey in cunista shaaaglaydhku ay xoojiso caafimaadka wadnaha, maadaama oo uu ku jiro xaddi badan oo ah maadadda ‘Flavones' taas oo la qirsan yahay in ay xoojiso caafimaadka wadnaha, jidhkana kala dagaallanto suntan cuntada ka samaysanta iyo in ay caawiso in ay dabcaan xididdada dhiigga oo qallafkoodu khatar keenayo.