Seerayaasha Sida Sharci Darada Ah Loo Ootay

Published on Mar 01 2014 // Warar

Hordhac

Sida laga warhayo qaabdhismeedka dhulka Somaliland waxa uu yahay (Saxara ama Saxar u eek), roobka sannadkiiba ka da’aana lagu qiyaasay 150-200 mm. Dhaqashada xoolaha waa lafdhabarka dhaqaalaha Dalka sidoo kale 65% dadweynaha Somalilandna waxa lagu qiyaasay in ay xoolo dhaqato (Reer-guuraa) yihiin noloshoodana ay ku tiirsantahay wax soo saarka xoolaha.

Maamulka Dhul Daaqsimeedka Waayadii Hore (1954-1990)

Iyadoo la tixgelinayo qaabka dhaqan-dhaqaale ee dadweynaha Somaliland ayeey mustacmaradii INGRIISKU dejisay qaab lagu maamulayo dhul daaqsimeedka sare loogu qaadayo waxsoorka dhul daaqsimeedka, iyadoo la sameeyey seerayaal loogu talagalay in xiliga jiilaalka la furo, xiliga roobkana la xidho, si xoolaha ay u helaan xilliga jiilaalka meel ay ka helaan calaf. Sidoo kale iyadoo la eegayo qaabka wax soo saarka dhulka mustacmaradii INGRIISKA waxa ay sameeysay kala xadeynta dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka, taas oo an loo ogoleyn in dhulka loo qeyday dhul daaqsimeedka aan beer laga sameeyn Karin.

Sidoo kale iyadoo la eegayo muhimadda wax soo saarka xoolaha xukuumadahii Somaliya waxa la hirgeliyey mashaariic badan oo sare loogu qaadayo calafka xoolaha sida (Seerayaal, iyo meelo lagu tijaabiyo calafka xoolaha)

Xaaladda Dhul Daaqsimeedka Xilligan

Ka dib dib ula soo noqoshadii Qaranka Somaliland, waxa laysku dayey in waxyaabo badan laga qabto kobcinta wax soo saarka dhul daaqsimeedka Dalka, taasoo ay ka mid aheyd abuuridda Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-guuraaga oo shaqooyinka loo xil saaray ay ka mid tahay ilaalinta, daryeelka iyo horumarinta dhul daaqsimeedka Dalka. Waxa la sameeyey shuruuc iyo siyaado ku wajabahan daryeelka deegaanka.  Duruufo badan oo ku gedaaman Wasaaradda waxa suurto gal noqon weyday in si buuxda ay u fuliso waajibaadkii ay u xilsaarneyd, in kastoo dadaalo badan ay jiraan lana filayo in mustaqbalka dhaw ay si buuxda u fulin doonto waajibaadka loo igmaday.

Seerayaasha Sharci Darrada Ah

Laga soo bilaabo 1990 waxa aad u sii kordhayey dadka sida sharci darrada iskaga oodanaya dhul daasimeedkii dadka ka dhaxeeyey. Taasoo dhibaatooyin badan keentay oo ay ka mid tahay:

Xoolahii oo waayey meel ay daaqaan

Isku dhac joogto ah oo ka dhax dhaca dadka dhulka ootay iyo xoolo dhaqatada

Xaalufka deegaanka oo sii kordhay

Tuulooyin badan oo sameysmay

Sababaha Ugu Waaweyn Ee Dhiiri Geliyey In Ay Kordhaan Dhulka Sida Sharci Darrada Ah Loo Xihday

Shuruucdii dalka ee daryeelka deegaanka oo aan sidii la rabay u fulin

Qaab dhaaqameedkii lagu maamuli jiray dhul daaqimeedka oo meesha ka baxay

Odayaashii dhaqanka  oo magaalooyinka soo galay

Korodhka dadka oo sare u kacay

Qorshaha Wasaaradda Deeganka

Wasaaradda deegaanka iyadoo la kaashaneysa Wasaaradaha kale ee xukuumadda, waxa ay ku howlantahay sidii loo soo saari lahaa SIYAASADDA MAAMULKA DHULKA, si loo kala saaro dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka

Wasaaraddu waxa ay abaabuleysaa guddiyo laga sameeyn doono tuulooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada, kuwaasoo loo xil saari doono ilaalinta iyo daryeelka deegaanka

Wasaaraddu waxay dib u soo celin doontaa seerayaashii daaqa, si looga hortago dhibaatooyinka abaaraha soo noqnoqda, xoolo dhaqatada xoolahooda ay ugu helaan daaq joogto ah

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!