Sayniska Oo Markii Ugu Horreysay Qiray In Geerida Kadib Ay Nololi Jirto, (In Dib La Isu Soo Noolaynayo)

0
602

Toronto (Geeska)- Saynisyahanno iyo dhakhaatiir reer Kanada ah ayaa ay u suurtogashay in ay soo helaan maraggii saynis ahaan ugu horreeyey ee si la taaban karo uga markhaati kacaya in ay jirto nolol labaad oo geerida kadib uu qofka aadamaha ahi gelayo. Iyada oo la og yahay in taas ay hore Qur’aanka Kariimka ah iyo shareecadaha Islaamkuba u caddaysay in geerida aadamaha ee adduunka dushiisu aanay ahayn dhammaadka qofka, balse ay jirto nolol labaad oo aakhiro ah. Natiijada ay xeeldheerayaashani heleenna waxa a noqonaysaa tii ugu horreysay taariikhda Sayniska.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku guulaysteen in ay u fiirsi gaar ah iyo dhugasho ku sameeyaan maskaxda ruux geeriyooday, kadib markii uu gebi ahaanba wadnuhu shaqada joojiyey, ee si rasmi ah dhimashadiisa loo xaqiiqsaday. Waxa aanay sheegeen in hirarkan lagu arkay maskaxdu ay aad ugu eeg yihiin hirarka maskaxda qofku ay soo saarto xilliga uu hurdo. Taas oo ay kala soo baxeen faham ah in qofku marka uu geeriyoodo uu waayey ama dhintay xidhiidhkii uu la’ lahaa dadka ku xeeran, laakiin uu galay nolol cusub oo gebi ahaanba ka duwan tiisii hore ee adduunka.

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo lagu daabacay Joornaalka Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in cisbitaallada Kanada ay u suurtogashay in ay dhugtaan isla markaana kombiyuutarka ku diiwaangeliyaan dhaqdhaqaaq iyo wax u eeg in ay shaqo ka jirto maskaxda gudaheeda. Dhakhaatiirtu xaaladdan ay arkeen waxa ay ku tilmaameen mid aan dabiici ahayn, in la sharraxo cilmi ahaanna ay adag tahay, taas oo muujinaysa in aanay si cad oo dhamaystiran u fahmin waxa ay tahay shaqada ay maskaxdu qabanaysay geerida kadib. Balse waxa ay qirsan yihiin in ay arrintani marag cad u tahay nolol jirta geerida kadib.

Sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail, cilmibaadhayaasha Keneda u dhashay markii ay arrintan arkeen waxa ay baadhis tan la mid ah ku sameeyeen afar xaaladood oo kale, saddex ka mid ahna waxa ay ku arkeen in maskaxda maydku ay dhimashada kadib sii wadday shaqadii oo dabcan ka duwan tii lagu yaqaannay, balse haddana shaqo in ay jirto muujinaysa, xaaladda soo hadhayna muddo toban daqiiqo ah ayaa ay maskaxda maydku si buuxda oo cad u sii shaqaynaysay.

Waxaa la og yahay in Islaamka iyo dhammaan diimaha samaawiga ahi ay caddaynayaan in ay jirto nolol labaad oo dadku gelayo geerida kadib, laakiin waxaa arrintan weligeedba diiddanaa kooxaha diin-laawayaasha, kuwa aaminsan sayniska iyo in wax kasta oo jira ay tahay in la taaban karo ama la arki karo