Saylici Iyo Hudheelada: Xumadda Doorashada, Madax Xanuunka Shaqada Iyo Jacaylka Muwaadiniintiisa Waa Midkee?Geeska Afrika Staff Writer

0
586

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeen Saylici, wuxuu caan ku yahay inuu mar mar banaanka uga soo baxo qasriga madaxtooyada iyo goobaha lagu kar-kariyo siyaasadda, waxaana la arkaa isagoo bulshada dhex fadhiya oo la qaxwaynaya.

Shalay oo u dambaysay wuxuu si kedis ah u fadhiistay hoteelka caanka ah ee Imperial oo ku yaala duleedka madaxtooyada, waxaanu halkaas kula shaaheeyay kulana sheekaystay qaar ka mid ah dadkii markaas hoteelka fadhiyay.

Maaha markii koowaad iyo labaad iyo weliba saddexaad ee madaxweyne-xigeenka lagu arko hoteelada ama goobaha bulshadu ku kulanto, waxaanay dadku isweydiiyaan sababta ugu weyn ee Saylici saacadaha shaqada dawladdu socoto u yimaado hoteelada oo saacadahaas dadka yimaadda ee aan u socon cuntayn degdeg ahi ay u badan yihiin dad aan shaqo haynin ama fasaxyo ku jira.

Arrintan booqashada maqaaxiyaha ee mudane Saylici, oo doodo iyo sheekooyin xiise leh bulshada ka dhex abuurta, gaar ahaan marka ay ku beegan tahay saacado shaqo, ee isaga oo aanay ka muuqan xitaa kormeer xaaladeed uu sida muwaadiniinta caadiga ah u yimaaddo hudheellada.

Dadka qaar baa ku dooda in madaxweyne-xigeenka oo lagu tilmaamo nin cadho dhow uu hoteelada iyo goobaha bulshadu ku kulanto yimaado marka uu madaxtooyada kala kulmo wax aanu jeclaysan. Tusaale ahaan dadkan fikirkan qabaa waxay shalay warbaahinta bulshadu ku xidhiidho ku sheegayeen in madaxweyne-xigeenku hoteelka iska tagay markii uu waayay wax uu qabto, ka dib markii ay inta badan ee shaqada maalinlaha ah ee xukuumaddu u istaagtay masuuliyiintii iyo wasiiradii oo u qaybsamay koox madaxweynaha u raacday Berbera iyo Burco iyo koox xafiisyadooda ka door biday in ay ka hortagaan madaxweynaha maalmo yar uun xarunta dhexe ee xukuumadda kaga maqnaa safar shaqo oo isla dalka gudihiisa ah.

Qaar kalena waxay qabaan in madaxweyne-xigeenku soo dhex galka bulshada uga dan leeyahay olole siyaasadeed maadaama oo ay soo dhawdahay doorashadii madaxtooyada oo uu kalkiisii u tartamayo. waxa se’ dooddan aad u diiddan dad aaminsan in booqashada maqaaxiyaha caasimaddu aanay xiise badan gelinayn muwaadinka duruufaha tiro beelay ku xeeran yihiin ee jecel in xukuumaddu ay wax la taaban karo ka qabato xaaladaha kakan ee ku xeeran. Waxa ay dadkani mudane Saylici ku dhaliilaan nin aan aad ugu jajabnayn in uu dadkiisa aad u dhexgalo, tusaaluhuna aanu ahayn hudheellada ee uu yahay sida aanu muddo7 sano ah mar keliya u booqan gobalo miisaan ku leh doorashada, iyada oo ay dhowr bilood uun ka hor ahayd markii uu muddadaad toddobada sano ahayd markii ugu horreysay isagoo xil haya tagay Ceerigaabo.

Waxaa dhici karta in niyadda madaxweyne xigeenku ay ka duwanayd intaas oo dhan oo uu isagu damacsan yahay in uu muujiyo muuqaal siyaasadeed oo uu iibinayo isagoo dadka tusaya inuu bulshada qayb ka yahay amaba uu dareenadooda la qaybsanayo islamarkaana uu isu arko hoggaan siyaasadeed oo dadkiisa soo dhex gala.

Xumadda doorashooyinka kaabiga ina soo saaray, cadho burbur iyo dad jacayl mid ay tahayba waxa uu mudane Saylici bulshadiisa shalay daqiiqado farxad iyo kaftan leh kula qaatay mid ka mid ah hudheellada Hargeysa.