Saygayga Ayaa Iga Xaday Kelli: Gabadh Reer Hindiya Ah Oo Odaygeedu Uu Kellideedii Iibsaday Isaga Oo Aan U Sheegin

30
3077


Delhi (Geeska)- Haweenay u dhalatay dalka Hindiya ayaa saygeeda ku eedaysay in uu kelli ka xaday. Booliiska oo dacwaddaas ka duulayaana waxa ay xabsiga u taxaabeen ninkii iyo aabihii. Waxa aanay u fureen dacwad ah xatooyo kelli ay doonayeen in ay u qaataan kharashkii meherka ahaa ee sida dhaqanka Hindidiu dhigayo gabadhan qoyskooda laga rabay in ay siiyaan ninkani markii uu gabadha ka guursaday.
Sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah ee gobalka Banjaal, ninkan ayaa si qarsoodi ah u soo agaasimay qalniin uu xaaskiisa Riita Saarkaar ugu sheegay in uu kaga jarayo qabsin, kaddiib markii ay muddo laba sano ah ka cabanaysay xanuun caloosha ah. Dabayaaqadii sannadkii 2017 kii, ayaa baadhitaan caafimaad oo gabadhan si caadi ah loogu sameeyey lagu ogaaday in labadeeda kelyood midkood laga saaray. Markii la waraystayna waxa ay sheegtay in qalniinka keliya ee ay gashay uu ahaa kaas oo saygeedu ugu sheegay in qabsin laga saarayo. Waxa kale oo ay sheegtay in uu waqtiyadaas mar kasta weydiin jiray in ay reerkooda uga soo qaaddo meeherkiisii, laakiin muddooyinkii dambe aanu weydiin.
Saarkaar oo u warrantay wargeyska Hindustan Times ee ka soo baxa dalka Hindiya ayaa ka sheekaysay sida xaal u dhacay maalintii ay qalniinkaas gelaysay, waxa aana hadalladeeda ka mid ahaa, “Saygayga ayaa i geeyey xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Kalkaata, isaga oo u sheegay in qabdinka laga jarayo. Dhakhaatiirtii iyo kooxihii caafimaadka ee qalniinka igu samaynayey ayaa iyaguna u caddeeyey in la iga jaraqo qabsin igu xumaada.” Saarkaar waxa ay sheegtay in saygeedu uu ku qasbay in aanay qof keliya u sheegin qalniinkan ay gashay.
Bilo kaddib ayaa ay Saarkaar dareentay xanuun badan oo ay la jiifsatay, nasiibwanaag qof qoyskeeda ka mid ah ayaa si kedis ah u geeyey cisbitaalka. Shaybaadhkii sawirka kombiyuutarka ahaa ee lagu sameeyey ayaana soo saaray in kellideedii midig ay maqan tahay. “Markaas ayaa aan fahmay sababta uu odaygaygu igu qasbay in aanan sheekada qalniinkan cid u sheegin” ayaa ay tidhi Saarkaar oo intaas ku sii dartay, “Markii qoyskaygu awoodi kari waayey in uu iga bixiyo meherkii guurkiisa, ayaa uu kellidaydii iibsaday”
Dembi-baadhihii bilayska ee arrinta Saarkaar u xilsaarnaa ayaa wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Hindiya u sheegay in baadhistii ay weli gacanta ku hayaan, iyaga oo illaa hadda xabsiga u taxaabay saddex qof, oo ku eedaysan isku-day dil iyo jidh dil.
Dalka Hindiya waxaa caado soo jireen ah muddo dheer ahayd in gabadh kasta oo la guursado qoyska ay ka dhalatay laga rabo in ay bixiyaan dhaqaale ah meherka. Laakiin dawladda Hindiya ayaa muddo ka hor mamnuuc ka dhigtay falkan. Laakiin meelo badan oo dalkaas ka mid ah, gaar ahaan dhulka baadiyaha iyo meelaha magaalooyinka ka durugsan ee weli uu dhaqankii hore ka sii jiro ayaa meherkan bixiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here