Sawirro Lagu Dawakhay Oo Laga Arkay Muuqaallo U Eeg Rooxaan Hore Iyo Muranka Ka Taagan Xaqiiqadooda (Q.1)

0
33

vvv

Washington (Geeska)- Marar kala duwan waxaa dunida ku soo noqnoqda sawirro caddaan iyo madow qaddiimiya ah oo marka laga tago muuqaalka rasmiga ah ee sawirku sido laga dhex arkayo muuqaallo cabsi abuuraya, warbaahintuna ay ku sheegtay hal-xidhaale la furfuri karin.

Sawirrada yaabka leh kan ugu soo horreeya oo qarnigii Labaatanaad laga qaaday 15 hablood oo shaqaale ahaa, waxa ay u taagan yihiin saddex saf oo gacmaha inta ay is weydaarsadeen laabta ku hayaan, laakiin gacan aan illaa hadda la garan ayaa laga arkayaa garabka inanta safka labaad ee dhinac bidix ku jirta, haddii inanta daba taagan gacanteedii loo qaadan lahaana waxaa la’ arkayaa inantaas oo iyadana ay gacmuhu u laaban yihiin, sida sawirka aad ka arki karayso, taas oo macnaheedu yahay in aanay gacantu teedii ahayn. Markii ay soo baxeen dad ku doodaya in sawirkani samays yahay ayaa khubaro ku xeeldheer sancaynta iyo wax-ka-beddelka sawirradu ay xaqiijiyeen in aan sawirkan waxba laga beddelin sidii loo qaaday.

Sawiran haddii aynu rumaysanno iyo haddii kalaba, ma’aha sawirka keliya ee arrintan oo kale ka muuqato, balse waxaa jira tobannaan sawir oo sidan oo kale looga dhex arkayo muuqaalladan ay dad badan oo reer galbeed ahi aamineen in ay yihiin rooxaanta dad qarniyo ka hor dunida ka hoyday, oo markii sawirkan la qaadayey soo daahiray iyaga oo dadka sawirka gelayaa dareensanayn ama arkayn. Arrinta yaabka sii kordhisay ayaa ah in sawirradan lagu arko uun kuwa caddaan iyo madowga ah ee aan midabka lahayn.

Rooxaantii foorartay ee guriga qoyska Coper

Sawirka halkan hoose ka muuqdaa waa sawir caan ka ah dunida oo lagu magacaabo sawirka qoyskii reer Cooper ama sawirka qoyskii reer texas, waxaa sawirka la qaaday badhtamihii Kontonaadkii qarnigii hore, kadib markii qoyskani ay u guureen guri ay iibsadeen oo qaddiimi ahaa, kadibna maalintii u horreysay markii ay guriga galeenba ay iska qaadeen sawir-wadareed qoyska oo dhan ah si uu xasuus ugu noqdo maalintii ugu horreysay gurigoodan magaalada Texas, laakiin ma’ay ogeyn in cid kale gurigan la deggen tahay… waa rooxaan ka soo laalaadda saqafka guriga oo leh qaabka qof foorara, waa muuqaal fasiraaddiisu adkaatay, waxa aanu dad badan oo reer galbeed ah aaminsiiyey ama u xaqiijiyey khuraafaadkii ay aaminsanaayeen ee ahaa in in guri kasta oo qaddiimi ah ama muddo aanay cidi deggenayn ay rooxaani degto.

Guriga Amityville ee rooxaanta

Subaxnimadii bishii Kow iyo Tobnaad ee sannadkii 1974kii, wiil lagu magacaabo Ronald ayaa tuulaha Amityville ee duleedka New York oo qoyskiisu deggenaa ku rasaas ku dilay aabihii iyo saddex carruurtii ay walaalaha ahaayeen ka mid ah. waxaa mucjiso noqday in maydadkii afartan ruux markii loo yimid laga waayey haba yaraato ee wax raad rasaaseed ah ama dhaawac ay xabbaddii gaadhsiisay, dhammaan jidhkoodu waa uu bad-qabay, waxa se ka sii yaab badnayd in dhammaan qoysaska guryihii aadka ugu dhowaa gurigan iyo goobta falku ka dhacay ay sheegeen in aanay haba yaraato ee maqlin wax dhawaaq rasaaseed ah. halka Ronald uu isna ku andacooday in guriga ay rooxaani la deggen tahay, oo mid rooxaantaas ka mid ahi uu ku riixay dilka waalihii, laakiin haddana waxa uu qirtay in uu aabihii dilkiisa doonayey oo uu xabbadda ku riday.

Kiisku aynu halkaas kaga hadhno ee, gurigii qoyskan markii arrintii dilku dhammaatay ayaa iib loo dhigay, waxa aana iibsaday lammaane is qaba oo lagu magacaabo George Lutz iyo Kathy Lutz, in kasta oo dadkii warka gurigan hayey oo dhan oo xitaa dillaaliintii ka iibisay ay ku jiraan qoyskan u sheegeen warka rooxaanta lagu sheegay gurigan, haddana dan kama ay gelin oo guriga dhismihiisa iyo dhulka uu ku fadhiyo ayaa aad u soo jiitay. Bishii Diisambar 1975kii ayaa lammaanahan iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen ay u guureen gurigan ay iibsadeen, 28 maalmood oo keliya markii ay ku jireenna baxarkooda ayaa kacay.

Muuqaallo badan oo cabsi leh ayaa ay gurigii ku arkeen, eygii qoysku lahaa oo caafimaad qabay ayaa mar keliya jiq laga siiyey oo maydkiisa uun ay ku war heleen, waxa ay arkeen sawirro madax fool xun oo ay madax shaydaan ku tilmaameen oo marmar uun gidaarrada guriga loo soo sudhayo. Daloollada albaabka ee furaha la geliyo ayaa dareere dhoobo aad mooddo oo cagaarani ka soo da’aysay, qolalka hurdada daaqadahooda ayaa ay sheegeen in marar kala duwan cid muuqaalkeedu cabsi leeyahay ka soo eegtay. Aakhirkiina oqyskii waxa uu ku qasbanaaday in uu in ay guriga dhaqso uga guuraan, laakiin dad baadhayaal ah oo arrintan soo xaqiijiya ayaa ay ku lacag siiyeen in ay ka war keenaan, iyagiina waxyaabo badan oo ka yaabiyey ayaa ay arkeen. Waxaa ka mid ahaa muuqaal yaab leh oo laga dhex arkay sawir uu kamaraddiisa ku qaaday mid ka mid ah dadka baadhayaasha ahaa, waxaa ka dhex muuqda ilme yar, oo soo taagan albaaba mid ka mid ah qolalka gurigan cidlada ah oo ku began sallaanka, arrintaas oo markii ay ka war dooneennna ay indhahooda ku arki waayeen.