Sawirro Cusub Oo Laga Helay Madaxweyne Obama Ayaa Mar Kale Soo Kiciyey Murankii Muslimnimadiisa

0
501

Washington (Geeska)- Sawirro cusub oo muujinaya madaxweynaha Maraykanka Baaraak Xuseen Obaama oo ku labbisan khamiis nooc Islaamiya u tolan ayaa mar kale soo celiyey muranka Siddeedii sano ee uu talada hayey ka socday gudaha Maraykanka ee la xidhiidhay diinta run ahaan uu aaminsan yahay.

1

Talefishan laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa maalintii Arbacada ee toddobaadkii dhowaa waxa uu soo bandhigay sawirradan oo uu sheegay in ay caddayn u yihiin in madaxweynaha bisha Koowaad ee sannadka soo socda ka tegi doona Aqalka Cad ee Maraykanku, uu yahay Muslim qarinaya muslimnimadiisa.

Wariyaha caanka ah ee Bill O’Reilly oo soo jeediya barnaamijka The O’Reilly Factor oo baxa talefishanka Fox News ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in laba ka mid ah sawirradan uu sii daayey barnaamijkiisu, oo uu Geeska Afrikana ka soo xigtay talefishanka Al-Carabiya, Obama laga qaaday mar uu gobolka Maryland ee dalka Maraykanka sannadihii Sagaashamaadkii kaga qaybgalay xafladda meherka walaalkii oo ay kala bah yihiin.

Marar hore ayaa la arkay sawirro muujinaya madaxweyne Obama oo xidhan labbiska Islaamka, laakiin mar kasta waxa uu isagu ku celceliyaa in aanu muslim ahayn balse uu sawirku caddayn u yahay sida uu u yahay nin dhaqanno iyo caqiidooyin kala duwan xidhiidho la leh oo ku abtirsada. Si kastaba ha ahaato ee sawirkan ayaa la sheegayaa in si sidii hore ka duwan ay ka muuqato in uu jiro xidhiidh si u adag oo ka dhexeeya Obama iyo diinta Islaamka, taas oo ay dadka naqdiya ee Maraykankuna ku sii xidhiidhiyeen Obama oo ay ku naqdiyaan in uu calool dabac badan u hayo diinta Xaniifka ah ee Islaamka, marar badanna caqabad ku yahay la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee ku abtirsada sida DAACISH oo isku fidinteeda bariga dhexe iyo meelo kale oo dunida ah eeddeeda la saarayo dawladda Maraykanka oo sidii loo baahnaa aan bilowgii hore ula dagaalamin.

Wariyaha barnaamijkan Bill O’Reilly ayaa ku dooday in sawirkani caddayn u yahay in Obama uu yahay muslim qarsoodi ah, waxa aanu daawadayaashiisa xasuusiyey in Obama oo ay hooyadii ahayd Maraykan caddaan ah uu aabihii ahaa Muslim u dhashay dalka Kenya oo weliba diinta Islaamka si aad ah ugu dhaqma sida uu sheegay wariyuhu. Isaga oo intaas ku sii daray in markii Obama aabihii Xuseen iyo hooyadii Ann ay kala tageen in ay mar kale hooyadii guursatay nin isaguna Muslim ah oo u dhashay dalka Indooneesiya oo muslimiinta dunida ugu badan ee dal keliya ahi ku nool yihiin. Ann iyo saygeeda cusubi waxa ay u guureen Indooneesiya, halkaas oo Obama oo carruur ahaana u raacay muddo afar sano ahna hooyadii kula soo noolaa dalkaas muslimka ah, oo intii uu joogay meelaha uu wax ka bartay uu ka mid ahaa dugsi Islaami ah oo dadka qaar sheegaan in uu Qur’aanka ka dhigtay, ka hor intii aanu dib ugu soo noqon gobalka uu u dhashay ee Hawaii oo uu kula noolaa awoowgii iyo ayeeyadii hooyo oo iyagu ahaa Cilmaaniyiin sidaa awgeedna aan farogelin diinta uu aaminayo.