Sawirradaada Xasaasiga Ah Iyo Sirtaada Oo Dhanba Ka Ilaali Talefankaga Gacanta Haddii Kale Yaanu Kaa Lumin

0
568

imagesWashington (Geeska)- Lammaane is qaba oo Maraykan ah ayaa dacwad ku soo oogay hudheel ay cunto ka cuneen oo ay ku eedeeyeen in uu sabab u ahaa sawir gabadha oo qaawan ah oo internet ka lagu faafiyey. Philip oo ah haweenaydan saygeeda ayaa ayaa sheegay in sawirkan cawrada ahi uu ku jiray qaybta sawirrada ee talefanka gacanta ee uu sitay, laakiin nasiib darro uu talefankii ku illaabay hudheelka caanka ah ee MacDonald's qaybtiisa gobolka Arkansas.

Philip dacwaddan uu ku soo oogay maqaaxida caanka ah ee MacDonald's waxa uu ku sheegay in sawirkan fool xumada ahi uu ku jiray talefanka gacanta ee uu kaga tegey hudheelka, muddo gaaban kadibna ay sawirkii ku arkeen iyada oo si weyn loogu faafiyey Internet ka. Waxa aanu ku cawday in fadeexaddani ay sabab u noqotay in ay ku qasbanaadeen ka guurista gurigoodii caadiga ahaa, kadib markii sawirka gabadha, cinwaanka laga helo iyo lambarka talefankeedaba lagu faafiyey internet-ka. Gabadhan sawirkeeda la geliyey Internet-ka oo lagu magacaabo Tina Sherman ayaa sheegtay in ay ku soo dhaceen talefanno iyo farriimaha la isugu diro Mobile-ka oo ciyaal suuqnimo iyo aflagaado ah, waxa aanay Sherman sheegtay in arrinta amakaagga ku noqotay ahayd markii ay aragtay in sawiradeeda la geliyey Internet-ku ay yihiin kuwo ku jiray Mobile-ka gacanta ee ninkeeda. Gabadhu waxa ay xaqiijisay in farriimahan ay helayso iyo sawiradan lagu faafiyey Internet-ku ay bilowdeen intii ka dambaysay lumista talefankan gacanta ee saygeeda. Lammaanahan oo sheegay in arrintani ku keentay sharaf dhac badan iyo dadkii xumaa oo ay u noqdeen bar tilmaameed waxa ay doonayaan in hudheellada MacDonald's oo ah shirkad hudheello tiro badan maamusho inay iska bixiyaan 3 Milyan oo Doolar oo ah magdhowga sumcad xumada ka timid talefanka gacanta ee hudheelka lagaga tegey.