Sawirka Ninkii Osama Dilay Oo La Baahiyay

0
808

 

osmaanJariiradda Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa baahisay sawirka nin la aaminsan yahay in uu yahay kii gacantiisa ku toogtay hoggaamiyihii Alqaacida Usaama Bin Laden.  Jariiraddu waxa ay sheegtay in ninka Usaama ku soo shiishay xabbaddii uu u geeriyooday magaciisu yahay John kana tirsan yahay hay’adda sirdoonka dhexe ee dalka Maraykanka CIA, waxase ay sheegtay in magaca John uu yahay magaca uu ku hawlgalo balse kii dhabta ahaa uu maqan yahay weli.

Jariiraddu waxa ay sheegtay in muuqaalka ninkan ay ka soo dhex saartay dhowr sawir oo uu leeyahay guriga cad, oo ay ku jiraan sawirrada Obama oo hab-socodka hawlgalkii dilka Usaama isagu guriga cad kala socday. Waxa kale oo ay sheegtay in la aaminsan yahay in John uu yahay ninkii lahaa maskaxda lagu qorsheeyey dilka Usaama kadib markii uu xogo muhiim ah oo ku saabsan hoggaamiyaha Alqaacida muddo ururinayey, taas oo uu kalsooni badan kaga kasbaday Barak Obama.

Hay’adda sirdoonka ee CIA ayaa ninkan si amnigiisu u sugnaado ku amartay in aanu warbaahinta la hadlin, waxa ay sidoo kale warbaahinta uga digtay in ay baahiyaan magaciisa iyo tafaasiishiisa kale haddii ayba helaan” arrintaas oo ay sideeda u fulisay wakaaladda wararka ee AP oo iyadu xog muhiim ah ka haysa ninkan.

Sida la xasuusan yahay bishii May ee ina dhaaftay ayuu Barak Obama ku dhawaaqay in ay dileen Bin Laden maydkiisana ku tuureen badda, balse illaa hadda wax tafaasiil dheeraada ah kama ay soo bixin qaabka loo dilay iyo cidda dhab ahaan fududaysay dilkiisa.