Sawirka Madaxweyne Biixi Iyo Xildhibaan Xuseen Oo Qabsaday Baraha Bulshada Iyo Xiisaha Ku Jiray

0
1399

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay baraha ay bulshadu ku xidhiidho haystay sawir soo jiidasho leh oo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiga Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo salaan iyo sheeko koobani dhex martay.

Madaxweyne Biixi iyo Xildhibaan Xuseen ayaa ka wada qayb galay munaasibada sannad guurad 25aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Somaliland, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay xildhibaan Xuseen oo salaan gacan qaad ah ula tagay Madaxweyne Biixi oo fadhiyay meel ka durugsan, waxaana sida sawirka laga akhrisan karo labada masuul dhex martay sheeko iyo kaftan kooban oo ay dadku u cabirteen inuu ahaa kaftan siyaasad u badan.

Laba madaxweyne-xigeen oo hore oo kala ah Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo hareeraha ka fadhiyay Madaxweyne Biixi ayaa iyagana wejiyadooda laga akhrisanayaa dareen ay ku dhuuxayaan hadalada aan la ogayn nuxurkooda ee ay isweydaarsadeen Madaxweyne Biixi iyo xildhibaan Xuseen.

Waxa kale oo iyana soo jiidasho lahayd in xildhibaan Xuseen oo ka mid ah hoggaanka iyo guddiga fulinta ee xisbiga Waddani uu ahaa masuulka keliya ee xisbigaas ka tirsan ee madasha joogay, waxaanu xildhibaanku madasha ku metelayay xisbiga Waddani ee uu ka tirsanyahay.

Xildhibaan Xuseen oo ah nin dood adag oo mucaaradad kulul, wuxuu geesta kalena ka mid ahaa aasaasayaashii ciidanka qaranka Somaliland salka u taagay 25 sannadood ka hor.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here