Sawir Gabadh Qurux Badan Oo Uu Sirdoonka Dalka Iiraan U Adeegsado Basaasidda Baraha Bulshada

0
1638

Dahraan (Geeska)- Xeeldheerayaasha Amniga Internet ka ayaa sheegay in dalka Iiraan uu kordhiyey hawlaha basaasidda ah ee uu ka wado internet ka, gaar ahaan baraha ay bulshadu ku xidhiidho. Hore ayaa sirdoonka Iiraan loogu xaman jiray in uu si aad ah u basaaso barkulannada bulshada ee internet ka gaar ahaan xiisaabaha u furan dadka reer Iiraan ee dawladdu ku tuhmayso in ay mucaarad yihiin iyo sida oo kale xisaabaha dadka dalalka muslimka ah ee ay ku tuhmayso dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Shiicada, waxa se markan cusub in Iiraan ay adeegsanayso xisaab been abuur ah lagu soo dhejiyey sawir dumar oo qurux badan si ragga loogu ekeysiiyo gabadh calaf doon ah, waxa aanay si gaar ah u beegsanaysaa injineerrada u dhashay dalalka Bariga-dhexe ee ku xeeldheer arrimaha shidaalka, Is-gaadhsiinta iyo cilmiga hawada sare.

Gabadh magaceeda lagu sheegay Mayaa Aashi oo sawir dumar oo indhaha soo jiidanayaa ku yaallo ayaa uu sirdoonka Iiraan xisaab been abuur ah uga furay baraha bulshada ee Facebook, LinkedIn, WhatApp iyo shabakado kale, waxa aanay si gaar ah u beegsanaysaa ragga da’da dhexe ah eek a shaqeeya shirkadaha iyo xarumaha ku lug leh meelaha aynu kor ku soo magacownay.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa intaas ku dartay in baadhitaanno xeeldheer oo lagu sameeyey cidda ay tahay gabadha Mayaa Aashi lagu ogaaday in sirdoonka Iiraan uu akoonnadan furay, kuna dhejiyey sawir gabadh muuqaal ahaan loo malaynayo in isirkeedu ka soo jeedo dalalka Bariga Yurub. Gabadhan ayaa sawirkeeda cid kasta u furaysa, waxa aanay sheeganaysaa in ay ku nooshahay London, kana shaqayso xirfadda sawir-qaadista, waxa ay ku andacoonaysaa in ay tahay gabadh jecel nolosha, safarka iyo muusigga.

Maalmo ka hor ayaa sidan oo kale loo fashiliyey hawlo basaasid ah oo ay Iraan ka waddo baraha bulshada ee internet ka.

Xeeldheerayaasha amniga Internet ka ayaa sheegay in sirdoonka qaybta Internet ka ee dalka Iiraan ay barnaamij Fayras ah u dirayaan qof kasta oo xidhiidh la sameeya gabadhan quruxda badan ee Mayaa Aashi, si ay ugu suurtogasho in ay gudaha u galaan kombiyuutarka ama qalabka kale ee uu qofku isticmaalayo, kadibna uga dhex raadiyaan xog ay raadinayaan.