Sarkaalkii Sababta U Ahaa In Somaliland iyo Midowga Yurub Kala Fogaadaan Oo Shaqadii Ka Dhammaatay

0
529

Hargeysa(Geeska)-Ergaygii Midowga Yurub u qaabilsanaa Somaliland iyo Somaliya danjire Michele CervoneDurso, oo la aaminsanyahay inuu sabab u ahaa kala fogaanshaha Somaliland iyo Midowga Yurub, ayaa wakhtigiisii shaqo wuxuu ku jiraa muddooyinkii u dambeeyay.

1

Danjire Michele, oo xafiiska Midowga Yurub ee gobalka soo hayay 3 sannadood, wuxuu xafiiska banaynayaa bisha August ee soo socota, waxaana la filayaa in lagu bedelo ergay kale.

Sarkaalkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Midowga Yurub, ayaa waxa la aaminsanyahay inuu ahaa ninkii ka shaqeeyay in Midowga Yurub ka baxo Somaliland islamarkaana uu xaruntiisa ka dhigto magaalada Muqdisho. Midowga Yurub ayaa xarun weyn ka dhisanaya magaalada Muqdisho, halkaas oo ay doonayaan inay ka hagaan qorsheyaashooda Somaliland.

Danjire Michele, ayaa waxay xukuumadda Somaliland aad u kala fogaadeen markii ay golaha guurtidu sameeyeen muddo kordhintii Madaxweyne Siilaanyo, taas oo isagoo ka wakiil ah Midowga Yurub uu ganafka ku dhuftay.

Markaas ka dibna, xukuumadda Somaliland ayaa Midowga Yurub u dirtay dhambaal ay kaga cabanayso falal ay sheegtay inuu qaaday Michele, taas oo jawaabtii Midowga Yurubna noqotay inay xidhaan xafiiskoodii Hargeysa.

Lama saadaalin karo, in marka uu danjire Michele xafiiska baneeyo uu Midowga Yurub wax ka bedeli doono siyaasadiisii hore ee Somaliland iyo inuu halkii ka sii wadi doono uu xafiiska Hargeysa ku jiro doono xaalad weydsanaan ah.

Laakiin dadka aqoonta u leh xidhiidhka caalamiga ah, ayaa aaminsan inaanu Midowga Yurub wax ka bedeli doonin siyaasadiisa ku waajahan Somaliland haddii uu joogo Mr. Michele iyo haddii uu tagaba, waxaanay dadka aaminsanyihiin in qorshaha uu Midowga Yurub ugu guuray magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya yahay mid asal ahaan ka soo fulay xarunta Midowga Yurub ee Beljamka.

Hase yeeshee, mar kasta waxa furan albaabka ah in furfurnaan iyo dedaal diblomaasiyadeed oo ay xukuumadu la timaadaa uu keeni karo isbedel ku yimaada Midowga Yurub.