Sarkaal Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Newyork Kaga Hadlay Khilaafka Hawada Ee Somaliland Iyo Somaliya

0
521

Picture6Newyork(Geeska/W.Wararka)- Agaasimaha howlaha Bini’aadanimada Qaramada Midoobay Mr. John Ging, ayaa  ka hadlay khilaafka dhinaca hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya.

Sarkaalkan oo Arbacadii xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork kaga hadlay xaaladda bini-aadminimo ee dalka Somaliya iyo doorka looga baahanyahay inay beesha caalamku ka qaadato sidii dadkaas tabaalaysan loo caawin lahaa ayaa weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Inner City Press, wuxuu Mr. Ging weydiiyay khilaafka dhinaca hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya iyo sababta ay Somaliland u xayirtay duulimaadyada Qaramada Midoobay oo ah markii ay Qaramada Midoobay maamulka hawada ku wareejisay Somaliland, wuxuu si kooban sarkaalkani ugu jawaabay, “Doorkii u dambeeyay waxa jiray heshiis uu Turkigu ka shaqeeyay, oo xal loogu helay in la ogolaado inay hawada Somaliya oo dhami shaqayso.”

Isagoo ka hadlayay duulimaadyada Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay in dhexdhexaadiyaha Turkiga laftiisu uu Hargeysa ku yimid mid ka mid ah duulimaadyada Qaramada Midoobay, “xidhiidhiyaha laftiisu wuxuu diyaarada UNHAS ku tagay magaalada Hargeysa.”

Geesta kale, wuxuu sarkaalkani uu sheegay in ku dhawaad 850,000 oo Soomaali ah ay u bahaanyihiin gargaar deg deg ah ayna wajahayaan Cunta yari iyo xaalado deg deg ah oo aad u liita.

Agaasimaha howlaha Bana’aadanimada Qaramada Midoobay John Ging ayaa sheegay in 2 Million oo kale oo Soomaali ah ay ku jiraan Xalado Cunta Xumo oo haysata ayna u baahanyihiin in la caawiyio.

Mr. John ayaa k adlabaday Beesha Caalamka aduun lacageed oo gaadhaya 900 Million oo lagu caawiyo dadka Soomaaliya ee xaaladaha adeg ay haystaan sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.