Saraawiishii Hitler Oo Lagu Kala Iibsaday Laba Iyo Lixdan Kun Oo Doolar Iyo Yuhuudda Oo Ka Cadhootay

0
662

wwwwwwwwwwBerlin (Geeska)- Macrad ku yaalla dalka Jarmalka ayaa lagu iibiyey saraawiil jeebabkoodu maas yahay oo ka mid ah dharkii uu xidhan jiray hoggaamiyihii Nazi gii Jarmalka ee Adolf Hitler iyo xamaam kale oo qayb ka mid ah uu lahaa Hermann Goering oo ka mid ahaa gacanyarayaashii waaweynaa ee Hitler, xamaamtan oo isla markii macradkan la soo dhigayba lagu baayacay boqollaal kun oo lacagta Yuurada ee Midowga Yurub ah.

Alaabtan taariikhiga ah waxaa laga dhex helay xamaam uu lahaa John Latimer oo ahaa dhakhtar milateri oo Maraykan ah, kaas oo markii laga adkaaday taliskii Hitler ay isbahaysigii reer galbeedku geeyeen Jarmalka si uu u daryeelo la haystayaashii iyo maxaabiistii laga qabtay xulafada Naasiga ee la soo taagay maxkamadihii dembiyada dagaalka ee Nuremberg. Macradkan oo horraantii toddobaadkan lagu soo bandhigay magaalada Munich ee dalka Jarmalka waxaa ku jira saraawiil iyo koodh kuwa ciidamada ah oo uu Hitler xidhan jiray, iyo saacad uu lahaa Hermann Goering oo ahaa taliyaha ciidamada cirka ee Jarmalka iyo alaabooyin kale oo masuuliyiintu ay sheegeen in tiradoodu ay dhantahay illaa 169 shay.

Dadka Yuhuudda ah ee dunida guud ahaan iyo gaar ahaan kuwooda ku dhaqan dalka Jarmalka ayaa si aad ah uga cadhooday in xamaamtan dadkaba la tuso, iyaga oo ku cabanaya in ay tahay xusuus xanuun badan, waxa aanay macradkan ku tilmaameen mid niyadjab iyo hungo horseedaya oo wax laga yakh-yakhsoodo ah, laakiin masuuliyiinta macradkan sameeyey ayaa iyagu diiday in ay ka jawaabaan codsiyada soo noqnoqday ee Yuhuuddu ku doonayso in la joojiyo arrintan.

Sida ay ku warramayso warbaahinta dalka Jarmalku, qof u dhashay dalka Argentina oo ka mid ah dadka wax ka iibsaday macradkan lagu soo bandhigay xamaamtii Hitler ayaa kelidii bixiyey lacag ka badan 681 kun oo doolarka Maraykanka ah. Wargeyska caanka ah ee Bild oo warkan Geeska Afrika turjumay faafiyey ayaa sheegaya in Saraawiisha oo keliya lagu iibsaday 62 Kun oo lacagta reer Yurub ah, halka koodhkana lagu iibsaday 275 Kun oo lacagta Yuurada ah, Saacaddana lagu kala iibsaday 42 Kun oo Yuuro, dhar hoos gashi ah (Nigisaan iyo Garamaan) oo uu lahaa Goering ayaa iyagana lagu iibiyey midkiiba 3 kun oo doolar.

Masuuliyiinta macradkan ayaa sheegay in alaabtan uu sidoo kale ku jiro weel yar oo Naxaas ah oo ay ku jirtay suntii nooceedu ahaa Cyanide ee uu Goering sannadkii 1946kii isku dilay iyada oo ay weli socotay maxkamad la soo taagay, waxaana weelkan lagu iibsaday 26 Kun oo Yuuru, waxaa iyaduna xamaamta ku jira sawirro kuwa X-ray ga ah oo Hitler la sawiray mar laga daweynayey dhaawacyo ka soo gaadhay is-ku-day di loo uu ka badbaaday sannadkii 1944kii.