Sannad Guurada 29aad Ee Xuska 17 Oktobar Oo Maanta Ku Beegan

1
886

lixleHargeysa(Geeska)-Haddii Alle yidhaahdo Maanta waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 29aad ee ka soo wareegtay dagaalkii adkaa ee 17 Oktoobar 1984 ciidamadii Mujaahidiinta SNM iyo kuwii Siyaad Barre ku dhex maray Burco-Duurey.

17 Oktoobar, oo ah maalinta loo asteeyay xuska shuhaadada SNM, waxa dagaalka maalintaas dhacay oo aad u adkaa ku geeriyooday Alle haw naxaristee Mujaahid Maxamed Xaashi (Lixle) oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka SNM watay, Waxaana xuskan shuhaadada SNM maanta lagu xusayaa munaasibad balaadhan.

Dagaalkaas Burco Duurey, waxa la sheegay inuu ahaa dagaal adag oo bilaabmay duhurnimadii, iskiina u istaagay gabal dhicii maalintaas, waxaana ku geeriyooday Mujaahid Lixle, oo ka mid ahaa madaxdii ciidankaas wadatay iyo 54 mujaahid oo kale  oo magac iyo milgo ku dhex lahaa SNM, waana sababta maalintan loogu asteeyay xuska shuhaadada SNM dhammaantood.

Dagaalkii maalintan qarxayna waxa uu ka mid noqday dhimbiilihii huriyay halgankii SNM iyo weliba mid ka mid ah tijaabooyinkii ay SNM ku hubisay cududeeda milatari ee ay ugu babac dhigtay dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waxaana dagaalkan lagu tilmaamaa inuu yahay dagaaladii ugu adkaa ee soo mara SNM.

“Dagaalkaasi wuxuu ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa, waxanaay tiradayadu ahayd 320 Askari, 12:00 duhurnimo ayuu dagaalku bilaabmay, waxaanu istaagay gabal dhicii. Waxa ragga ku geeriyooday ka mid ahaa Marxum Lixle iyo 54 mujaahid oo kale.” sidaas waxa yidhi Mujaahid Cabdikariim Xaashi Cilmi, oo hadda ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashaandhigga, xilligaasna ka mid ahaa saraakiishii ciidanka watay, oo ka sheekeeyay maalintaas, waxaanu sheegay inay 17 Beebee iyo tikniko kale oo uu Siyaad Bare lahaa halkaas ku gubeen, waxaanu caddeeyay in dagaalkaasi marka laga tago mujaahidiinta geeriyooday uu haddana dhinaca kale horseeday in halgankii SNM xooganaado, ka dib markii ay niyadu u dhisantay ciidamadii SNM. Waxaana xilliyadaas aad u kala fogayd, tirada, tayada iyo qalabka labada ciidan ee SNM iyo dawladii xooga badnayd ee Siyaad Barre.

Haddaba, sannad guurada 26aad ee ka soo wareegtay dagaalkii Burco Duurey, waxa uu ku soo beegmay iyadoo guddoomiyihii SNM ee xilligaasi Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, uu yahay Madaxweynaha Somaliland oo ah dal ay mujaahidiintii SNM xorriyadiisa soo celiyeen. Madaxweyne Siilaanyo, wakhtigii uu ahaa hoggaamiyihii xisbiga KULMIYE, wuxuu ka qayb geli jiray munaasibadaha lagu xusayo maalintan, waxaanu ka jeedin jiray khudbado.

Comments are closed.