Sanaag: Xaaladda Deegaanka Darar-Weyne Oo Degen

46
3071

Ceerigaabo(Geeska)-Waxaa shalay degenayd xaaladda deegaanka Darar-weyne oo qiyaastii 100 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaddib dagaal beeleed doraad halkaas ka dhacay oo ay ku dhinteen 15 qof, in ka badan 25 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan oo lala xidhiidhinayo aano qabiil, ayaa waxaa haatan soconaya dedaalo xiisada lagu qaboojinayo oo ay wadaan madaxda dhaqanka iyo mas’uuliyiinta dawladda Somaliland.

Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa beelaha walaalaha ah ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan oo ay wada hadlaan islamarkaana wax kasta oo jira nabad ku dhammeeyaan.

Waxgaradka Ceerigaabo ayaa waxa ay soo saareen baaq ay ku dalbanayaan in colaadda lagu joojiyo,  waxaanay ku taliyeen in caqligu shaqeeyo oo laga dheeraado colaad.

Tobaneeye ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, waxaana ku dhaawacmay dad ay tiradoodu ku dhowdahay labaatan ruux.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here