Samsung Oo Soo Saartay Galaxy S8, Kadib Fadeexaddii Note 7 Kii Ka Raacday Iyo Qiimaha Uu Suuqa Ku Soo Galay

0
660

Hargeysa (Geeska)- Shirkadda Samsung ee Kuuriyada Koonfureed laga leeyahay ayaa munaasabad ay ku qabatay magaalada New York ee dalka Maraykanka waxa ay daaha kaga rogtay talefankeedii ugu dambeeyey ee casri ah oo ah Galaxy S8, kaas oo u qaybsan laba nooc oo ah mid yar iyo mid weyn, waxa aanay arrintani soo gebagebaysay wararkii bilihii u dambeeyeyba la isla dhex marayey ee ku aaddanaa talefankan iyo wax yaabaha uu la gaarka yahay.

Talefankan oo aad u casriya ayaa waxa uu leeyahay kamarad 12 Mega Pixel dual pixel ah iyo kamarad xagga hore ah oo 8 Mega Pixel ah, kamaraddiisana waxaa si aad u dhaqso badan looga tegi karaa keliya in laba jeer la gujiyo batamka laga dembiyo talefanka, kaas oo ay kala mid tahay qalabka ay soo saarto shirkadda Google. Sidoo kale waxaa nuskhaddan cusub ee Galaxy ku soo kordhay batam ay ku qoran tahay Bixby oo qabanaya saddex shaqo oo ay ka mid tahay in uu qofka talefanka lihi cadaadiyo kadibna su’aalo weydiiyo, su’aalahaasna ka jawaabo, isaga oo weliba awoodaya in uu shaashada ka arko dunida ku xeeran iyo goob kasta magaceeda, ama in uu Amazon waxa ay iibka u hayso ogaado.

Talefankan ayaa boqolkiiba 11 ka dhaqso badan kana fudud kii ka horreeyey ee Galaxy S7, iyada oo awoodda xusuustiisuna dhan tahay 4 GB, halka kaydintiisuna gaadhayso 64 GB.

Talefannadkan ayaa ah nooca IP68 standard, oo ah nooca awoodda u leh in ay iska caabbiyaan biyaha iyo boodhka, waxa kale oo ku xidhan quraaradda sare ee ilaalisa Touch ka oo ah nooca ugu casrisan ee Gorilla galaxy 5. Midabbada uu suuqa ku soo galayna waa dameeri, dheeman, buluug iyo dahabi.

Waxa ay shirkaddu sheegtay in iibka talefankan cusubi uu si rasmi ah suuqa Maraykanka u soo geli doono 21ka Bishan Abriil, halka suuqyada Yurub uu iman doono 28ka Abriil. Qiimaha uu ku iibsamayaana waa nooca yar oo ah 873 doolar iyo ka weyn oo ah 910 doolar.