Sameecadaha Dhegaha La Gashadaa Waxa Ay Khatar Ku Yihiin Laxaadka Maqalka

24
4484

Berlin (Geeska) – Isticmaalka badan ee taleefanka gacanta, jimicsiga iyo guud ahaan nolosha casriga ahi waxa ay badiyeen isticmaalka sameecadaha dhegaha la gashado, oo manta ku dhow in ay ka mid noqdaan nolol malameedka caadiga ah ee qofka. Marka la eego sida ay dadku u isticmaalayaanna waxaa ka muuqata in ay dhaaddan yihiin khatarta caafimaad ee ay ku keeni karaan dareenka maqalka.

Caadi ahaan sida uu cilmiga caafimaadka maqalku sheegayo, khatart uu dhawaqa dheeri dhegaha ku keeni karaa waxa ay bilaabataa marka uu heerkiisu gaadho 130 dB. Laakiin daraasaddan cusubi waxa ay sheegaysaa in xitaa iyada oo aanu dhawaqu illaa heerkaa dallacnayn in ay khatartu weli jirto. Tusaale ahaan marak uu dhawaqu gaadho 80 dB in ay khatartu la bilaabato. (Decibel oo loo soo gaabio dB waa halbeegga aynu ku qiyaasno heerka dallacaadda codka ama dhawaqu marayso).

Waxa ay cilmibaadhistu caddaysay in kasta oo qalabka casriga ah badankiisu uu qofka u sheego heerka ay ka bilaabmayso khatarta dhawaqa dheeri, haddana ay dadka badankoodu codka gaadhsiiyaan heer ka badan inta uu qalabkoodu u calaamadinayo. Waxaa intaas dheer in codka dheeri haddii uu xitaa inta aan khatarta ahayn joogo, haddana ay weli taagantahay dhibaatadii uu ku keenayey caafimaadka maqalka ee qofka, gaar ahaan marka uu qofku si joogto ah u isticmaalo sameecadaha.

Xeeldheereyaasha cilmibaadhista ku sameeyey khatarta dhawaqa dheeri keeni karaa, waxa ay ka digeen in qofku uu maalintii laba saacadood wax ka badan isticmaalo sameecadda dhegaha. John-Martin Hempel oo ku xeeldheer caafimaadka sanka, dhegaha iyo dhuunta ayaa mar uu ka hadlayey khatarta codka dheeri ku keeni karo maqalka qofka waxa uu yidhi, “Waxaa jira laba sababood oo aasaasi ah oo waqtiga fog dhegaha dhaawac ku keena; waa buuqa iyo saxmadda badan ee goobta shaqada ka jira, iyo qofka oo isku dallaca codka sameecadaha dhegaha, gaar ahaan marka uu saacado badan oo maalintii ah ku dhegeysto muusig iwm.” Waxa ay khubaradu sheegeen in haddii ay ka fursan weydo ay fiican tahay in qofku uu muusigga ku dhegeysto sameecadaha, sababtuna waa in mar kasta oo codka uu qofku dhegeysanayaa ku soo dhowaado dhegta ay sii korodho khatarta uu ku keeni karo maqalka.

Waxaa la ogyahay in dhego cuslaanto ay ka mid tahay xaaladaha caafimaad ee aanu cilmigu illaa hadda dawada u haynin, marka laga reebo in qofku uu isticmaalo sameecadaha maqalka kor u qaada ee dhegaha lagu xidho ama lagu dhex beero.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here