Saliid Saytuuntu Waxa Ay Xoojisaa Xusuusta Waxa Aanay Ka Hortagtaa Cudurka Xusuusta Dila Ee Alzheimer Ka

0
806

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey dhowaan ayaa lagu ogaaday in cunista saliid saytuunta gaar ahaan nooceeda sida dabiiciga ah loo miiraa ay xoojiso xusuusta iyo awoodda maskaxeed ee waxbarashada isla markaana ay yarayso samaysanka walxaha lagu magacaabo Amyloid beta oo ka mid ah sababaha keena cudurka unugyada maskaxda dila ee lagu magacaabo Alzheimer (Alaymer), kaas oo faham ahaan ah ama aad ugu dhow xaaladda ay Soomaalid asaasaqa ama isku dhexdaadashada maskaxda u taqaanno.

Warbixin uu joornaalka ‘Annals of Clinical and Translational Neurology’ ka qoray natiijada daraasaddan ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Temple ee dalka Maraykanka ayaa sheegaysa in tijaabooyin kala duwan oo la sameeyey ay muujinayaan in cunista saliid saytuunta sida dabiiciga ah loo miiraa ay xoojiso awoodaha maskaxda ee fahamka, xusuusta iyo awoodda waxbarasho ee maskaxda.

Domenico Pratico oo hoggaaminayey cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in unugyada maskaxda ee nafaqada saliid saytuunta hela ay ku yaraadaan barootiinnada Amyloid beta oo ah maaddooyin dhegdheg leh oo maskaxda tobannaan sano ku ururo, aakhirkana haddii aan xal loo helin sababa dhibaatooyin dhinaca fahamka iyo garashada ah iyo aakhirka oo uu keeno cudurka maskaxda dila ee Alzheimer ka.

Waxa ay si gaar ah khubaradu u sheegeen in saliid saytuunta aan la warshadayn ee si dabiici ah loo miiraa ay leedahay faa’idadan aynu ka warannay iyo faa’idooyin kale oo caafimaad.