“Saleeban Wuxuu Odhan Lahaa Wuu Yidhi Balse Magaca Baarlamaan Wuu Nala Wadaagaa”

0
937

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay jawaab ka bixiyey hadalkii uu ka yidhi Guddoomiyaha Guurtidu khilaafka Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in Guddoomiyaha Guurtidu la gudboonayd inuu arinkan dhex ka noqdo, oo uu ka odeeyeyo, balse uu dhinac noqday, isagoo tilmaamay inuu markii hore sheegay in aanu dhex gali doonin, waxaanu ku taliyey in cid kasta oo ka hadasha khilaafka Wakiilada aanay odhan hadalo dhib iyo khilaaf keenaya.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in garabka kale ee Baashe ay wada hadaladii kaga baxeen, waxaanu yidhi “Saleebaan mar hore wuxuu yidhi arinkaas dhex gali maayo, markii dambena waa kan arinkan ku hadlay, magaca Barlamaana wuu nala leeyahay, kolay arinkana arin yar maaha, xilli xasaasiyana weynu ku jirnaa, waxaana la rabaa in cid kasta oo khilaafka Golaha Wakiilada ka hadashaa inay caawiqib xumada ka dhawrto, kolay Saleebaan wuxuu odhan lahaa yidhi, balse magaca Barlamaan uu nala wadaaga, inuu khilaafkan oday ka noqdo ayey ahayd, ee waa laga qurux badnaa inuu dhinac noqdo”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wada hadaladii lagu balansanaa waxay ka joogsadeen xaggii garabka kale, balse waanu ka tashan doonaa”.