Saleebaan Xaglatoosiye Oo Shaaciyay In Aanu Xubin Ka Ahayn Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye

0
5333

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Saleeban Xaglatoosiye ayaa sheegay in aanu hadda ka mid ahayn xisbiga talada dalka haya oo wasiirnimadii ay ka raacday haddana uu yahay muwaadin reer Somaliland ah oo caadiya.

Saleebaan Xaglatoosiye ayaa sida oo kale been ku tilmaamay inuu u sharaxan yahay guddoomiyaha xisbigaas, waxaanu talooyin u kala diray Caare iyo madaxweyne Biixi.

Ugu horayntii Xagalatoosiye oo ka hadlaayay inuu sharaxan yahay waxa uu yidhi“Wararkaasi waa warar baryahan aad loogu shaacinaayay baraha bulashada waana warar been ah ama ah borobogaandho ujeedo leh laakiin anigu maan shaacin inaan anigu sharaxnahay oo xisbiga Kulmiye aan guddoomiyihiisa u sharaxnahay umana sharaxni, mana jirto waa been.”

Waxa uu sheegay in aanu ka mid ahayn xisbiga Kulmiye“Xukuumad ayaan ka tirsanaa awood weyn maan lahayn ee wasiir ayuunbaan ka ahaa wasiirada kale la mid ah, shaqada loo dirtayna hayay, imika xukuumada dalka ka jirta kama tirsani, haddii aanan ka tirsanayna macnaheedu maaha inaad kala leexateen muwaadin ayaan ahay reer Somaliland ah mar walba waxii waajib iga saaran yahay wadanka iyo horumarkiisa waan qabanayaa, xisbiga Kulmiye digreeto ayaan ku ahaa wasiirnimo ayaan ku ahaa xubinnimo buuxda kamaan ahayn markii horeba, waan isku sharaxay markii aan isku sharaxaayayna waxaan ahaa xubin ka tirsan xisbiga oo digreeto kaga tirsan markii aan xilkii ka degayna xubinimadii waxay ku tagtay oo ay raacday wasiirnimadii, kala leexasho ma jirto xisiga Kulmiye waa ka aan kolayba anigu taageero, qasabna maaha inaan mar walba anigu xil hayo xilku waa meerto, han siyaasadeedna waan leeyahay oo madaxweyne iyo kuxigeenba waan isku sharaxi  meel alle iyo meeshii aan u arko inay fursadi jirtana waan gali laakiin imika waxaan ahay muwaadin uun dadkiisa ka mid ah.”

 

Xaglatoosiye ayaa talooyin u kala diray madaxweynaha iyo kornaylka Cadhooday“Kornayl Caare inuu baxay oo uu yidhi jabhad ayaan samaynayaa waan ogahay waxaanan kolayba aaminsanahay in wakhtigan xaadirka ah loo baahnayan jabhad iyo jabhadayn, waa ay soo dhammaatay oo waa soo wada marnay, caare waxa wanaagsan waxii uu tabanaayo ee ah cadaalad daro inuu soo bandhigo kana hadlo, madaxweynaana waxaan ugu baaqayaa masuuliyada ugu weyni isaga ayay saarantahay isaga ayaa laga rabaa inuu cid kasta oo wax tabanaysa uu la hadlo, isaga ayaa laga rabaa inuu dalka iyo dadka isku hayo, waxaan ugu baaqayaa tabashada cid kasta inuu dhagaysto dhibaatooyinka jira oo dhana uu xal buuxa u raadiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here