Saleban Cali Koore Oo Murashaxnimadiisa Ku Dhawaaqay Iyo Wasiiro Taageeray

0
566

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan ka mid ah  mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa shaaciyay inu u taaganyahay Murashaxa Jagada Guddoomiye ee Golaha wakiilada Somaliland, kadib marka uu xilkaasi baneeyo Guddoomiyaha imika Jooga   jagadaasi ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Munaasibada Shaacinta Murashaxnimada Guddoonka Wakiilada oo lagu qabtay Magalada Hargeysa waxa ka soo qayab galay Salaadiin,Xildhibaano Katirsan Golayaasha guurtida Iyo Wakiilada,xubno kamida golaha wasiirada iyo bulsho kaladuwan.

Murashaxa Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo kamida xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Sool. munaasibada Shaacintiisa sidoo kale waxa marti ugu ahaa oo uu waydiisanayay inay tageeraan Xildhibaanda Deegaanka Badhan oo ay ood wadaagyihiin Gobolka Sool ugu horayntiina munaasibadan waxa halkaasi hadal ka soo jeediyay Wasiirka wasaaradda gaashaan dhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, isla markaana taageeray murashaxnimada xildhibaanka " xildhibaan Saleebaan Cali Koore, waa nin aanu saaxiib nahay mudo dheerna soo wada shaqaynay waa nin aan aqoon wayn u leeyahay waa nin Asxaabtiisii iga horaysay oo dhami sheegtay isaga laftigiisuna amaan intaas ka badan ma qaadi kare waa u tafaariiqaynayna hadhawna miisaanka ayaynu saarayna ilaa uu jagadaasi ka gaadhaayo, waxanan leeyahay bawdo rag maalinba mid baa qaawan maalintaada hadaad asturi waydo adigana maalintaada cidi asturimayso marka xildhibaanada wakiilada waxaanu leenahay waa inaad maanta asturtaan" Axmed Xaaji cali Cadami.

Wasiirka Wasaarada Khayaraadka Biyaha ee Somaliland Maxamed Cabdi (Boos) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaankani yahay kii soo saarilahaa xuquuqaha lasheego in ay Gobolada bari kaga maqan yihiin Somaliland "mar aan maraayay dhulbalaadhan oo Sanaag, Taleex ilaa iyo Gobolka Sool ayaa diiwaan galintii ama dadkii halkaasi laga sheegay waxa ay noqotay mid aan macquul ahayn waxan qaba Saleebaan Cali Koore, nin kii codkaas ila soo saari lahaa in uu yahay dhulkaasi waa dhul balaadhan oo ilaa iyo Taleex ilaa Buuhoodle ilaa iyo Ceerigaabo isu tilmaami mayno codkaasina waxa uu u baahanayahay ragfarabadan oo firfir coon Saleebaanna waa ka kow" wasiirka Biyaha ee Somaliland

Xildhibaan Saleebaan Cali (KOORE) masuulka u sharaxan jagada Guddoomiye nimo ee Golaha wakiilada ayaa halkaasi ka hadlay waxana hadaladisii ka mid ahaa "dadkiinaas karaamada badan ee halkan iskugu yimid waxa ii sharafa in aan hortiina kaga dhawaaqo in aan u sharaxnahay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, cidna wax ka sheegi mayno cid maanta halkan wax laga odhanayaana ma jirto markii aanu dadka is waraysanay ee talo dhinac kastaba iska taagnay waxa ay ka badin wayday in aan kursigaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada aan dadka halkan jooga uga noqdo wakiil" Ayuu yidhi Murashax Saleebaan cali (Koore)

Munaasibadu intii ay socotay waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho,Xildhibaano kale, Salaadiin iyo Garaado waxana hadaladii munaasibadaasi laga jeediyay miisaankoodu isugu biyo shubanayeen taageerada Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, mudo dheerna Soamliland ka soo qabtay Xilal dhawra oo kala duwan.