Saldhiga Milatari ee Imaaraadka Carabta Oo Bisha June La Furayo

23
3089

Hargeysa(Geeska/Bloomberg)-Saldhiga Milatari ee Imaaraadka Carabta ee dekedda Berbera, ayaa la filayaa inuu hawlihiisa si rasmi ah u bilaabo bisha June ee sannadkan, iyadoo ay shaqadiisa ka mid noqon doonto la socodka dhaqdhaqaaqa xeebaha iyo gacanka cadmeed. Sidaas waxa shalay baahisay wakaaladda wararka  ee Bloomberg oo uu u waramay Baashe Cawil oo ahaa wakiilkii hore ee Imaaraadka, imikana ah wakiilka Somaliland ee Kenya.

Wakaaladda wararka ee Bloomberg, waxay sheegtay in qalabka lagu rakibi doono saldhigaas ee lagula socon doono dhaqdhaqaaqa xeebaha iyo gacanka cadmeed, loo isticmaali doono in lagu ilaaliyo dekedda Berbera, sidoo kalena lagula socon doono xeebaha Somaliland oo dhan 800 km, sida uu Bloomberg u sheegay Mr. Baashe oo siyaasadda soo galay wakhtigii uu talada hayay Madaxweyne Siilaanyo oo soddog u ah. “Saldhiga Imaaraadka Carabtu, wuxuu ka caawin doonaa gobalka oo dhan, budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darada ah, suntan lagu aaso, ma haysano awood aanu ku ilaalino xeebtayada.” Ayuu idhi Baashe Cawil oo u waramay wakaaladan, waxaanu intaas raaciyay, “Imaaraadka Carabtu waxay noqdeen xarunta gobalka oo dhan ee dhinaca ganacsiga. Imaaraadka Carabtu inay sugaan booskaas istaraatajiga ah, ma samayn karaan haddii aanay sugin jidkaas ganacsiga.”

Bedka saldhigan oo ah 42km oo isku wareeg ah, ayaa sida uu Mr. Baashe sheegay wuxuu isugu jiraa saldhig iyo laba dhabo diyaaradeed oo is ragab socda, waxaanu intaas ku daray in dhabaha koowaad oo ka kooban 4.9km uu hadda 60% dhammaaday.

Wuxuu Mr. Baashe sheegay inay Imaaraadka Carabta ka rajaynayaan inuu tababar siiyo ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland. Laakiin Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka oo ay wakaaladu isku dayday inay arrintan wax ka weydiiso ayaanay u suurtogelin, sidoo kalena shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha saldhigan oo la y idhaahdo Divers Marine Contracting LLC, ayaan iyana ka jawaabin farriimo ay wakaaladu u dirtay.

Mr. Baashe wuxuu sheegay in wada hadalada saldhigani socdeen ilaa sanandkii 2016, ka dib markii sida uu sheegay uu Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn uu ka booday  qorshe ay Imaaraadka Carabtu ku doonayeen inay saldhig kaga samaystaan dekedda Casab ee Ereteriya, isagoo Raysalwasaaruhu ka codsaday dawladda Imaaraadka Carabta inay arrinta saldhiga u soo wareejiso  Berbera, sida uu Baashe sheegay.Laakiin afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem oo ay wakaaladu isku dayday inay wax ka weydiiso hadalka wakiilka Somaliland, ayaan ka jawaabin farriimo telefoonkiisa loogu diray.

Wuxuu Mr. Baashe sheegay in codsigaas raysalwasaarihii hore ee Itoobiya ee ahaa in Imaaraadku ay Berbera u soo wareegaan halka ay ku jeedeen Casab, uu gaadhay halka u saraysa ee Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegayin dekedaha Berbera iyo Casab ay wax weyn u tari doonaan Imaaraadka Carabta, waxaanu xusay in Itoobiya muhiim  tahay marka la eego dhinaca ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here