Salaadiinta Arab Oo Ergo Gurmad Ah U Diraya Beelaha Walaalaha Ah Ee Qayaad Iyo Bahararsame

0
520

Hargeysa(Geeska)-Salaadiinta beesha Arab ayaa beelaha walaalaha ah ee Bahararsame iyo Qayaad ugu baaqay inay colaada joojiyaan oo ay aqbalaan ergada wada hadalada. Beelahan walaalaha ah ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray deegaano ka tirsan hawdka gobalka Sool.

Salaadiintan oo kala ah Suldaanka guud Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi iyo wakiil Boqor Cabdillaahi-dheere, ayaa beelahan walaalaha ah waxay ugu baaqeen inay colaadda joojiyaan, waxaanay balan qaadeen inay u dirayaan ergo culus oo ka shaqaysa nabadaynta beelahaas walaalaha ah. “Waxaanu diyaar u nahay inaanu u gurmano beelahaas aanu ehelka nahay oo aanu ka qayb qaadano deminta colaadda, waxaanan ugu baaqaynaa inay joojiyaan colaadda aan dhibaato mooyee wax kale soo kordhinayn.” sidaas waxa yidhi Suldaan Cumar oo u hadlay salaadiintan.

Salaadiintani waxay dadka dagaalkaas ku geeriyooday Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna caafimaad siiyo. Aamiin.