Sagaalkii Su’aalood Ee Dadka Ugu Badani Ay Google Ka Baadheen Sannadkan

0
1111

Washington (Geeska)- Wargeyska Daily Telegraph oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey warbixin uu ku eegayo su’aalaha ugu badan ee ay dadka dunidu jawaabahooda ka dhex raadiyaan bogga baadhista internet caanka ku ah ee Google.

Si’aalahaas oo lagu eegay su’aal kastaa nuxurka jawaabta ay raadinayso iyada oo aan la eegay qaabka ereyeynteedu u taallo. Warbixintan ayaa lagu sheegay in su’alaas oo kuwooda ugu muhiimsan la soo xulay ay sidan ahaayeen.

  1. Sidee baad u gubi kartaa dufanka jidhka?

2 Sidee loo sameeyaa roodhida Faransiiska?

  1. Sidee aan warqad ugu qori karaa?
  2. Sidee loo sameeyaa beedka sida laxooxda u duban (Pancake)?
  3. Sidee aad lacag ku ururin kartaa?
  4. Sidee aad sawirgacmeedka u baran kartaa?
  5. Sidee aad saaxiibaddaa u dhunkan kartaa?

8 Sidee aad Tie ga qoorta loo xidhaa.

  1. Sidee aad miisaanka isaga ridi kartaa?