Safiir Cabdifataax Ma Ka Aqoon Daraa Mise Diblomaasiyada Ayuu Ka Aradanyahay?  

0
1134

 

Cabdiwahaab Daahir Khaliif

Waxaan  daalacday  waraysi  uu siiyey   Tiifiiga  ay  dawladu  maamusho wakiilka Somaliland ee Djibouti Mr. Cabdifataax. Waraysigaas waxaa iiga baxay shakhasiyada dhabta iyo  Aqoonta dhabta  ah ee cabdifatax,  taasi  waxay  i tustay in haba  yaraatee  wax Aqoon ah    iyo  cilmi  ah aanu  u lahayn  nidaamka diblamaasiyadeed. Waxaan  garwaaqsaday in  waraysigaasi laf jab ku  yahay  nimdaamka dawladeed ee uu  hogaaminaayo  madaxwayne Siilaanyo. Waxaa  ceeb  ah  in lagu tilmaamo Gudoomiyahay  Golaha  wakiiladda ahna  musharaxa xisbiga mucaaridka ee waddani waxaad tagaysaa Soomaaliya, waxaanay eedayntani la mid tahay iyadoo lagu eedeeyo Xamar iyo Soomaaliya madaxweyne Siilaanyo.

Cabdifataax  waxaan  odhan lahaa waa  laga soo  gudbay nin jecelaysigii  iyo in la is Aflagaadeeyo   qabyaaladii way  dhaamatay Somaliland maanta  way  ka gudubtay halkaad marayso.