Safaaradda Iyo Jaaliyadda Itoobiya Oo Isugu Yimid Kulankii Saddexaad Ee Sannad Guurada Biyo Xidheenka Webiga Abaay

0
611

Picture2Hargeysa (Geeska)-  Waxaa kulan heer sare ah oo ahaa Munaasibadii saddexaad ee Biyo xidheenka Webiga Abaay iskugu yimid dhamaanba Jaaliyadda wadanka Itoobiya ee ku dhaqan dalka Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hargeysa iyo Qunsulka Dawladda Itoobiya u fadhiya dalka Somaliland Brigadier General Berhe Tesfaye,.

Ugu horeyn kulankan ayaa waxa uu Qunsulku uga war-bixiyay jaaliyadda xaalada guud ee Dalka Ethiopia isagoo sido kale u soo bandhigay jaaliyadda Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland iyo qurbo-joogtaba inay ka qeyb qaataan tabarucaadka loogu uruurinayo dhismaha Biyo xidheenka Webiga Abaay. Qunsulka iyo jaaliyadda ayaa kala qaatay war-bixino aad u muhiim ah taas oo uu qunsulku aad ugu qancay sida abaabulan ee ay uga soo qeyb-galeen bulsho weynta Itoobiya iyo  kuwa u dhashay deegaanka Soomalida Itoobiya, sido kale jaaliyada DDSI ayaa iyaguna aad ugu qanacsanaa la kulanka qunsulka.

Qunsulka Ethiopia ee Somaliland Brigadier General Berhe Tesfaye ayaa sheegay in labadii Munaasibadood ee hore ay Jaaliyadda wadanka Itoobiya ee ku sugan Somaliland ay dhismaha Biyo xidheenka Webiga Abaay ugu deeqeen lacag qadarkeedu dhan yahay $310,000 oo dollar, isagoo sidoo kalena rajeeyay inay sannadkana gacan laxaad leh ay muujin doonaan.

Ugu Dambayntii Jaaliyaddii ka soo qeyb-gashay kulankan ayaa ku dhawaaqay lacago ay kaga qeyb-qaadanayaan Dhismaha Webiga  Abaay iyagoo sidoo kale balan-qaaday inay Safaarada Ethiopia ee Magaalada Hargeysa ay deeqaha lacagta loogu talo-galay dhismaha Webigan ay ku soo hagaajin doonaan.

 Jaaliyada Wadanka Ethiopia ee ku nool Somaliland ayaa Munaasibadii saddexaad ee biyo xidheenka Webiga Abaay ku qabatay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen guud ahaanba Jaaliyada Ethiopia ee ku sugan Somaliland ayaa ujeedadiisu ahaa sidii gacan laxaad leh looga gaysan lahaa dhismaha biyo xidheenka Webiga Abaay